Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3079

Septemper 11 2012                                                                  Shuwal 24,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Somalia Oo Madaxweyne U Dooratay Nin La Yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud Oo Xidhiidh La Leh Ururo Xag Jir Ah Oo Wakiilo Ku Leh Somaliland

Muqdisho, September 11, 2012 (Haatuf) - Baarlamaanka Somalia ee todobaadkii hore la soo dhisay ayaa xalay cod aqlabiyad leh Madaxweynaha dalkaasi ugu doortay nin la yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay ururo diineed xag jir ah oo ka hawlgala Somalia, isla markaana wakiilo qarsoodi ahi u fadhiyaan dalkan Somaliland.

Mr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ku leeyahay Madarasado, Dugsiyo Farsamo iyo hawlo ganacsi iyo samafal, waxaanu ka shaqayn jiray intii xalay aan loo dooran mansabka Madaxweynaha Somalia sharikadda Isgaadhsiinta ee Hormood.

Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa wakhtiyada qaarkood waxa uu ka shaqayn jiray xarunta PRP ee Muqdisho taas oo ay maalgalin jiray hay’ada Interpeace.

Siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen, Mr Xasan Maxamuud waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay ururada Al-Ictisaam iyo Al-Islaax ee xagjirka ah, waxaanu dhawrkii sanadood ee u dameeyey dedaal weyn ugu jiray siddii uu dhulka Somaliland ugu soo fidin lahaa Mabda’a Wahaabiga ah iyo xarumihiisa waxbarasho ee ka shaqeeya Muqdisho.

Mr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Beesha Hawiye/Abgaal waxa jagada Madaxweynaha Somalia kula tartamay 21 murashax oo kale, iyadoo wareegii labaad ee doorashada ay isku soo hadheen Afar Murashax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laba nin oo kale oo ay isku hayb yihiin. Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa la sheegay inuu si adag uga soo horjeedo gooni isku taaga Somaliland.