Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3080

Septemper 12 2012                                                                  Shuwal 25,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Habdhaqanada Nusqaanta Ah Ee Xukuumada Kulmiye Ay Soo Kordhisay Ee Shacbigu La Dhaka-Faarsan Yahay

Haatuf Staff

Hargeysa, September 12, 2012 (Haatuf) – Xukuumada Kulmiye ee talada dalka Somaliland haysa oo siyaasadeeda khaarajiga lagu tilmaamo mid ku salaysan Sal fudayd, isla markaana meesha ka saartay siyaasadii xidh xidhnayd ayaa muddadii ay xilka qaranka hogaaminaysay siyaasada Somaliland ku soo kordhisay habdhaqano siyaasadeed oo ku cusub dalka, kuwaas oo intooda badan ay shacbiga reer Somaliland la yaabeen, dhawaaqyada ka soo baxa Afka masuuliyiinta xukuumada xisbiga Kulmiye. Habdhaqanada xukuumada Kulmiye ka soo jeedaa ay soo kordhisay ee shacbigu la amakaageen ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Masuuliyiin xukuumada ka tirsan oo markay shaqada ka tagaan Somalia u tahriiba, isla markaana yidhaahda Madaxweynahaa na soo ambabixiyay sida agaasimihii guud ee Maaliyada Mr Jaamac Oday oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia.

2. Hambalyada Baarlamaanka Muqdisho ee ay ku jiraan xubnaha reer Somaliland ee doraad doortay Madaxweynaha Somalia ee xukuumada Kulmiye-na ay ku hambalyaysay go’aankoodii, taas oo ay shacbiguna su’aalo iska waydiinayaan waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin taageerada xukuumada Siilaanyo iyo go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka xubnaha Somaliland ku jiraan.

3. Masuul xil looga magacaabo xukuumada oo isagoo xilkii haya gaadhi shicib leeyahay dalka kala fakada, sida agaasimihii guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta Ibraahim Ismaaciil ee Somalia u fakaday.

4. Masuul xukuumada xil looga magacaabo oo marka xilka laga qaado lagu eedeeyo budhcad badeed oo dalka dibadiisa xabsi loogu taxaabo sida agaasimihii guud ee waxbarashada Cali Caliyow oo lagu xidhay xabsi ku yaala Maraykanka.

5. Wasiirro midkastaa waxa maskaxdiisa ku soo dhaca uu kaga hadlayo TV-ga, iyadoo arrimaha uu ka hadlayaana aanay ahayn hawlihii wasaaradiisu u xilsaarnayd sida dhacdadii habeen hore wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan uu la gole tagay TV-ga Horn Cable kagana hadlay Madaxweynaha Somalia loo cumaamaday.

6. Wasiirro kala awood badan oo hadana mansabka guud ka siman, isla markaana la sheego in wasiir wasiir kale oo la mid ah eryi karo.

7. Shirar jaraa’id oo saqda dhexe ee habeenkii la qabto iyo Digreetooyin magacaabid iyo xil ka qaadis ah oo habeen badhka ka soo burqada Madaxtooyada, shacbiguna ku warhelo subaxda hore

8. Madaxweyne ku xigeen cod doorasho oo toos ah lagu soo doortay oo ka cawda wasiir la soo magacaabay.

9. Wasiir Shaqaalihiisa eryey ama shaqada ka joojiyey oo isagiina la eryey sidii ku dhacday Boobe Yuusuf Ducaale.

La soco…..