Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3086 |
Septemper 19 2012 Dul Qacda 2,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Taageerayal Ka Soo Baxay Kulmiye Oo Miciin Biday Ucid Iyo Musharaxa Madaxwayne Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Qaabilay Hadal Duur Xul Siyaasadeed Ah Hargaysa, September 18, 2012 (Haatuf) - Xisbiga Ucid ayaa Qaar ka mid ah Dhalinyarada Xaafada Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey xisbigaasi Ucid kadib markii ay ka soo diga rogteen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye. Munaasibada soo dhaweynta taageerayaashaasi oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiga Ucid waxa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xisbigaasi iyo qaar ka mid ah iyo Qaar ka Mid ah Xubnah Golaha Dhexe iyo Garabka Haweenka ee heer Gobol. Xisbiga Ucid oo Ka Mida Xisbiyada u tartamaaya ee ku jira loolanka siyaasadeed ee doorashada golaha deegaanka ee foodka inagu soo haysa, ayaa taageerayaashan oo sheegy inay ka niyad jabeen xisbigii ay hore ugu tirsanaan jireen ee Kulmiye ay cududooda ay ku xoojiyeen xisbiga UCID. Ugu Horayn waxa Madashaasi lagu soo Dhawaynayey boqolaal Taageeerayaala Oo Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye Iyo Qaar Ka Mida Taageerayaashii Ururadii Hadhay Gaar ahaan Ururkii Nasiye, Furitaankii Xafladaaasi Ayaa Waxa Ugu Horeyn Ka Hadlay Gudoomiyaha Baratakoolka Xisbiga Ucid Mr Cali Mahdi Xuseen, Isaga Oo Soo Dhaweeyay Taageerayaashan Ku Soo Biiray Ucid, Cabdale Cabdi Raxmaan Cabdale, Xamse Iyo Xamda Oo Ku Hadlaayay Afka Taageerayaasha Ku Soo Biiray Ayaa Iyaguna Sheegay In Farxad ay u Tahay Ku Soo Biiritaanka Ucid. Muj Cali Guray Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Ucid Prof Aadan Hoori Oo Iyaguna Ka War Bixiyay Qorshahooda Siyaasadeed ee Xisbigu u diyaariyay Dhalinyarada Iyo Qaranak Somaliland Iyaga Oo Carabka Ku Adkeeyay In Xisbiga Kulmiye Duudsiyay Xaqii Dadkii Udoortay Kursiga Madaxtinimo Ee Dalka, Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen Ahna Murashaxa Madaxtinimo Ee Xisbiga Oo Soo Afmeeray Munaasibadaasi Ayaa Sheegay In Xisbiga Ucid Maanta Haysto Taageerada Shacabkii Reer Somaliland Ee Ku Hungoobay Xisbiga Kulmiye. Isaga Oo Ka Hadlaaya Waxa Uu Yidhi “Waxaan khaatiyaan ka tagaanahay dadka ku soo qulqulaya xisbiga ee imanaya xafiisyada ee doonaya inay ku soo biiraan. Anagu waxaan nahay bashar waanu khaldami karnaa laakiin waxaan loo baahan yahay in lasku dul qaato xisbiga waxaan leh shacabka somaliland cid gaar ahna maaha. Si kastaba Ahaatee Waa Markii Ugu Horeysay Ee Taageerayaala Tiradoodu Intan Leeg tahay Ku Soo Biiraan Xisbiga Ucid Iyaga Oo Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye ,Tanina Waxa Dhabar Jab Ku Tahay Kulmiye Iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo Oo Kulmiye Ka Soo Baxday. |