Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3117 |
October 25 2012 Carafa 9,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ma Garan Kartaa Nooca Jacaylka Ku Haya Iyo Astaamaha Lagu Garto? Qofka bani’aadamka ah way ku adkaataa in uu inta badan kala saaro jacaylka dhabta ah ka khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacalka runta ah ka been abuurka ah ama jacaylka dhabta ah ka dhalanteedka ah. Dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna siyaabo kala duwan ayay u fasirtaa, laakiin waxay badankoodu isku raacsan yihiin in jacaylka dhabta ahi uu yahay ka ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa. 1. Jacayl dhab ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha ku hawlan jilista wadaaga rabitaanka labada dhinac ka kala yimid, marka kadibna uu Alle u fududeeyo in ay ku guuleeystaan. 2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaasi uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaadho, kuna dhammaado marka damacaasi uu hanto qofkii oo doonayay. 3. Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xidhan dan, nooca ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaale dan sumcadeed wixii la halmaala. 4. Jacayl Xushmadeed:- Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad qadarin kaa mudani, adiguna aanad rabin qofka, haddana aanad ku gacan seydhi karin, kadibna aad go’aansato in aad xushmad tixgelin u muujiso kaas oo aakhirka iskiis u quusta. 5. Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ahi uu mar kasta kula wadaago socod, la joogis sheeko oo aad iska jeceshahay in uu qofkaasi dhinacaaga ahaado. 6. Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida wixii lamid ah aad u qaado kaas oo xidhiidh la wadaaga lexejeclada. 7.Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka todobaad laha ah ee xiisaha ku yimaada, ee marka la fasariyado la yidhaa “waan ku arkay waa ku caashaqay” waa jacayl qaadaa ma dharge ah oo micnihiisu yahay marka jeclaaduhu uu arko qof soo jiidasho leh wuxu markiiba odhanayaa waan jeclaadlay waana jacayl cosob la guur ah, oo lagu tilmaamo nooca ugu xun jacaylka. |