Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3125

November 4 2012                                                         Carafa 19,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maanso: Dug-Yar

“Raga Foodka Naga Doonayana Midhaan Dareensiiyo, Raga Doobta Ridayoow Xadbuu  Damacu Joogaaye, Dadnimadu Waxay Kuu Jartaa Duunyo Kuu Noqone, Darajiyo Xil Waa Meel Sokee Dogob Ha Noolaynin” Abwaan Weedhsame

Hargeysa, November 4, 2012 (Haatuf) Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ah abwaanka ay Maskaxdiisa ka soo maaxatey Maansadda Dugyar  ee ka hadlaysay doorashooyinka dalka ka qabsoomay iyo kuwa hada la filayo inay dhawaan qabsoomaanba ayaanu maanta Akhristayaashayada sharafta leh la jeclaanay inaanu cadadkan maanta u soo xulnay.

Maansadan Dug-yar ayuu Abwaan Weedhsame Curiyey September 2005, waqtigaas oo uu dalka ka socday ololihii doorashada baarlamaanku. Maansadu waxay ka hadlaysaa sida habboon ee loo dooran karo xildhibaano hawadoodu dhaafsiisan tahay hunguri, kuwaas oo u hagar baxaya wax u qabadka ummaddu u heelan tahay, Waxa kale oo ay maansadu taabanaysaa in hannaanka dimuqraadiyaddu uu yahay mid ugub ah oo dadka ku cusub, suurogalna ay tahay in ay keento mashkalad haddii si qaldan loo isticmaalo. Haddaba, bal ilaahay amarkii waxa dhacay wax badan oo maansadani ka sii digtay, xil-dhibaanadii la doortayna waxay u bateen qaar lagu hungoobay oo ka baaqsaday xilkii loo igmaday. Maansada Dug-yar ee ka hadlaysay Doorashadda Somaliland oo wakhtigan marxaladii wakhtigaas taagnayd oo kale ay taagan tahay, ayaa iyada oo dhamaytiran waxa uu Abwaanku ku bilaabay :-

“Baasaw dabuub gabay beryahan Deexo ma lahayne

Da’ furtaan idhaahdaan arkaa Caydhka soo degaye

Anoo dhacan dul saaraa waqtigu Daw u furayaaye

Mar is idhi ha soo dayn waxaan  deyrna celinayne

In kastoo dareenkii I yidhi      Duubo arartaada

Maan iyo dubaaq oogsadaan Maandhe dedayaaye

Dibnahoo dhawaaqii rabaan Daah ku xidhayaaye

Waxaan doonayaabaan intaa  diid is leeyahaye

Laaskaan daboolaa cir helay Soo dirqiyaaye

Qalinkiyo dawadii I sii Yaanan maax dumin

Afartaa dareershee haddaan Daafta kale eego

Maansada dareen lagu unkaa Duugga oo hadhin

Waxa looga diraa xadhkaha Daacaddoo qudhahe

Runbaa daadahaysoo murtida Lagu dalleeyaaye

Hayeeshee ragbaa dilay tixdoo Loogu daw galaye

Baydgaabku waa dulin ku ladhan Eray dariiq haysta

Wuxu dalab u yeelaa tixaha  Duurxulkee badane

Xaga laga dedaayiyo markuu Diirka rogi waayo

Xaguu door bidaayuu macnaha Ula dawaafaaye

Danni dhaanka wiilkii ku raray Dawlis la hungowye

Dacda ceelka goortuu daguu Dibinta ruugaaye

Dabar iyo hogaan soohanbaan Daadsadoon dhigaye

Dib u joogso waa laga tashaday Maliyo deel qaafe

suugaan duxdeediyo mucdii duubna muu hadhine

diiwaanadeedii ragbaa daabacoo dhigaye

Diric ina Suldaan baan ka tegin Doorkii maansada’e

Tixuhuu ku daakiri jiraa Daawo noqon laaye

Dugsi ma leh qabyaaladi ku filan Duul is baacsadaye

Daba taxanta ina xaashi baa Deyawgan biin layde

Xasan Ganay dabuubtuu yidhaa  Deyri leyd dhaxane

Daahyaley hadraawiba ku sheeg Doogta aan hadhine

Damiirkii fahmaayaa xawilan Gebi dadkoodiiye

Duddadiyo anoon dhaafin weli Bawdka dacalkiisa

Da’ labaatan anigoo labuun Darif ka weydaartay

Dooddaan ku leeyahay miyey Kugu duxaysaaba?

 Afartaa sidii aar dib jiray Doobta ma rakaadshay

Ma dooyaystay shaalkiyo go’aan Hore u duuduubay

Dababkay shideen wiilal hore Dogob ma sii saaray

Dareen ugub intii aan cuskaday Danaba ma liishaamay

Deganaan ma soo horay tix yare Wuu dudubiyaaye

Waxa dunida kala qaybshayee  Daan u kala qaaday

Waxa qaar daruuraha furay Dayaxa gaadhsiiyay

Damac iyo inay wada jir taan Cidina diidayne

Iyaguba marbay diif qabeen Diilaliyo hooge

Dir dir la isu laayiyo marbay Diriri oognayde

Cudurada wax duugaba marbay  Deris ahaayeene

Dalandoolka caydha marbay  Qaar dawarayeene

Xaajadii doraad seegtaybay  Dib ugu aayeene

Ummad kala dayawdaa mar qudha    La isu soo dumaye

Nin waliba docbuu qaabiluu Diirshayuu shidaye

Duq gaboobay, doob iyo caruur Dumarka oo xaytay

Danta guud intaasoo jirtoo     wada dedaalaysa

ayaa dawladnimo meel marshee doqoni waa mooge

ummad yahay la duufsaday jinbaa  daasad kuu tumaye

welibaad dirsooc iyo xumaan degashanaysaaye

dayo adhiga waad raacsataa daayin abidkaaye

misna kama duqowdaan inaad  duqay tidhaahdaane

dar allee xagiinaan arkaa  daad ka soo galaye

daruuftuu ku soo maray bulshooy  deris ha kuu reebto

hore ruuxii kuu deyrshay baa  deeqna kuu huraye

nin doraad ku dhaafsaday hunguri  doonan ha u guurin

darmo looma fidiyee ha dhaqan  halaqyo duuduuban

gal-dalooladaadana gufee       dagasho waa ceebe

hebel dudaya, hebel daacadiyo hebel kaloo diidsan

hebel dalable, hebel duuf ku dhacay  hebel dantaa mooggan

hebel daabka soodhka haysta oo adi ku dooxaaya]

hebel doora, hebel kuu dib jiray hebel ku daaqaaya

hebel dabaya uurkiyo ishoo dhagar u dooyaystay

hebel kuu dareen qaba hadday dabecdo caydhaadu

mid damqada mid aan diir naxayn hebelo daaduuna

hebel doolar haystoo misana dubaya jiidhkaaga

hebel deyra, hebel kaa dahsoon adina kuu dooda

intaasoo durbaan qaadatoo midiba daan yaalo

I doortaay intaaso lahoo Degelka meeraysa

Waxay manta kaa doonayaan Way dawarayaane

Nin dalluunta kaa saaraya       Lagu dul goobtaaye

U meel daya codkiinoo hubsada Duubka nimad saari

Dirir hooray, dooxooyin jabay Galal xareed daacay

Dhool bari ka soo doobshayoo Degelka miishmiishay

Sagalkoo dalliigaha ku wadhay Samada duudkeeda

Waqal dooday, mahiigaan dalbaday Danabyo raacraacay

Gudgudaha diraacdoo cartamay  Dananadiisii dheh

Afartaa dareershee hadaan Daafta kale eego

Raga foodka naga doonayana Midhaan dareensiiyo

An dardaro waadaamaha halkay Damacday laabtayda

Raga doobta ridayoow xadbuu  Damacu joogaaye

Dadnimadu waxay kuu jartaa Duunyo kuu noqone

Dawankaad tumaysaan cidbuu Doog ku kiciyaaye

Carrab dalab le, deelqaaf nin yidhi Duumo laga qaadye

Darajiyo xil waa meel sokee Dogob ha noolaynin

Arrin doola oo ugub haddaan Deyno laga yeelan

Haddaan laga digtoonaan  Waxay wadato duufaano

Dambaabiriyo buuq bay dhashaa Xagal ka daacdaaye

Waa lagu darleefaa haddaan Maanku daadihine

Dufan wiilka raadcaynayaa Waabu didiyaaye

Isma-dayato way seejisaa       Doobi xoor badane

Layli kula dakaamiyo mararo Ruux dulqaad yariye

Daratay ka qaadaa gujada Caydu daba taale

Gocashada ninkii daajiyaa      Dacar ku nooleeye

Ha gaagixin dambeedada godladay Dhiilo yay dihane

Afartaa dareershee haddaan Daafta kale eego

Raga boogahaygii damqaan Taar u dirayaaye

Ninka dogobka igu hoos shidoow Hadalku yuu duulin

Dacarbay kala leefeen kuwii Mawdku soo diraye

Dakanadu ninkii geystay bay Daar la hurudaaye

Daa’iro wareegtiyo nabsaa Deeqda noo sidaye

Cuqubada dumaasha’a Adaa duunyo dhaafsadaye

Ha ku daalin dibinkaad dhigtaa Waanu dagahayne

dibi beerta qodayoo hakaday daalna socon waayay

dugyar buu idhaahdaa nin waday durugna weeyaane

waxa daawad suunkiyo sarbida loogu daran doorshay

degdeg inuu rooraa qof lihi ugu dan leeyahaye

ana deelka maansada waxaan kuugu duray heedhe

inan dunida gaadhnaan jeclee damac gobeed yeelo”.