Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3133 |
November 13 2012 Carafa 28,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Guur-Kaal Qore: Cabdinaari Dheeg (Q/1aad) CUTUBKA KOOWAAD Hordhaca guurka (Qeexidda guurka) Guurku waa heshiis dhexmara lammaane raba inay nolol wadaagaan, rug iyo reerna wada dhisaan kuna fula heshiis diineed oo meherku gundhig u yahay. Waa dabar isku xidha lamaane (dhedig & lab) aan kolkii hore dadka iska aqoon hadda se noqday kuwo cid walba isaga dhow xataa waalidkii dhalayna dhehoo. Waa bilawga nolol wacan oo raaxo iyo macaan badan leh haddii uu kuu hagaago, balse haddii uu kaa murkacdo waa cadaabtii ifka. Waa barbilawga dhismaha qoys ah, waxaanu sabab u yahay korodhka iyo taranka shacabka adduunka. Waa sunnihii rasuulka oo mudan in la raaco laguna daydo, rasuulkuna in badan buu ka hadlay guurka waxaa ka mida axaadiista tilmaamaysa in uu yidhi rasuulku (scw): “Ururka shabaabkoow kiina awoodi kara guur ha guursado, waxa uu ilaalin u yahay buuryada, indhahana dabool buu u yahay, kii kari waayaana ha iska soomo” . Waa arin ka mida oo kor u qaadda is dhexgalka bulshada iyo wada noolaanshaha umadaha adduunka ku uuman madow iyo cadaanba. Kala duwanaanta dhaqamda bulshooyinka caalamka ayaa sabab u ah kala duwanaanta guurka shucuubta adduunka. Waxa jira guur wadareed ama kooxeed oo ah inay is guursadaan dhawr qoys hal mar keliya, waana nidaam fiican oo u baahan in la dhiiri geliyo si dhalinyarada guurku ugu sahlanaado ama ay awood ugu helaan gudashada baahidooda jinsiga ah si ay uga nabad galaan aafooyinka maanta halakeeyey dunida ee uu hormoodka u yihiin xanuunada lagu kala qaado galmada sida ;(HIV/AIDS)-ka Illaahay ha inaga shar tiree. Guurka noocan ah waxa aalaaba qabanqaabiya shirkadaha ay leeyihiin dadka tujaarta ah, dadka muxsiniinta ah ee fahamsan macnaha iyo macaanka diiniyan iyo dunyaawiyanba ku jira guurka oo la fududeeyo. Guurka afarta xaas baa isna ah mid ay jidaysay diinta Islaamku si bulshada Islaamku u taranto, jiritaankeeduna u waaro. Waxa jira nooc guurka ka mid ah oo inta badanna ay ku dhaqmaan dadka aan Islaamka ahayni, kaasi waxa uu banaynayaa in ninku aanu guursan Karin wax ka badan gabadh keliya. Waxa jira noocyo guurka ka mid ah oo tilmaamaya in dhamaan dadku is qabo, waana guur baalmarsan mabaadi’da u dejisan guurka. Xikmaawi: waa abwaanada da’da yar waa abwaan ay isaga iyo da’diisu kala waynyihiin waxa u si qayral caadiya u tiriyayaa maansooyin u dhigma kuwii ay abwaanadii hore tirin jireen iyadoo taasi ay jirto wuxu iyana si mugle ugu talax tagay suugaantii dadkii hore tirsheen gaar ahaan gabayada iyo maansooyinkaba. Waxa uu caan bax ku yahay in marka gabay la soo qaado haduu golaha joogo inuu dhamays tiro dhinac walba oo suugaanta laga galo waxa uu tuducyadan soo socda ku cabirayaa qiimaha mugga leh ee uu u leeyahay guurku aadamaha gaar ahaan dhalinyarada. Nuxurka tuducyadanina waxay taabanayaan ahmiyada uu guurku u leeyahay nolosha aadamaha.
Hibo guulle bixiyiyo guurku waa haybad gooni ahe Lababa waa halkey iska heshaa taniyo Haabiile Hidde quruxsan hodan baarqabiyo deyrcad hoganaaya Haldhaa kacay la mooddii ayaan hoy la soo galaye Iyadoo Hibaaq toosaneey qurux la hayluuftey Daymo halacsigeedii baa kalgacal lay haloosiyaye Habeen qudhana hooyaday haah imay odhane Halyeygii idhalayna ducuu ii hadooldilaye Laboba waa halkay iska hesha taniyo Haabiile Hana qaad markii aan noqdaan Hoodo guursadaye
Xikmaawi
Maahmaah soomaaliyeedna waxa ay tilmaamaysaa oo ay leedahay: Haweenku waxa ay ku wanaagsanyihiin fadhiga ,halka uu ragu socodka ku fiicanyahay. Waa tii ala odhan jiray “Ragga socodku waa u door hadduu mowdku daayee”
Saddex socodkay ku wanaagsantahay (ragga, daadka wadaadada) Labona fadhigay ku wanaagsantahay (dabka iyo dumarka)
Labo fudeydka ayey ku wanaagsantahay(darmaanta Labona degenaanta ayey ku wanaagsanyihiin(gashaantida &doobkii guursan lahaa) Labo hadalkay ku wanaagsanyihiin(odeyga reerka & wadaad |