Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3137

November 18 2012                                                        Muxaram 4,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ururka Siyaasadeedka Wadani Oo Ololihiisii U Bedelay Samo Fal, Goobo Badan Oo Ku Kala Yaala Goboladda Iyo Degmooyinka Dalkana U Qaybiyay Biyo

Hargeysa, November 18, 2012 (Haatuf) - Caasimada Hargeysa waxaa Shalay Subaxnimadii hore Masuuliyiinta ugu saraysa Ururka Waddani oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cabdiraxmaan Ciro) ayaa Ololihiisii u badalay arrimo Samofal oo ay ka faa’iidaysteen dad tiro badan oo ka mid ah dan yarta ku dhaqan Magaaloyinka waa wayn iyo waliba degmooyinka dalka, waxaana dhaqdhaqaaqyadaas Samo-falka ah lagu cawinayey dadka muwaadiinta ah ee danyarta ah, waxaana deeqahaas dadkaas guddoonsiiyey Masuuliyiinta ugu sareeyey Ururka Wadani oo uu hormood ka ahaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo ka qayb galay dhowr goobood oo ka tirsan Caasimad Hargeysa halke gobolada  kale ee dalkana ay ka qayb qaadaneen mucaawimadani Masuuliyinta heer gobol iyo heer degmo ee Urur Siyaasadeedka Waddani.  Sidoo kale Caasimada Hargeysa ayaa waxa Shalay Subaxnimadii hore ay Masuuliyiinta Ururka Waddani oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Ururkaaas ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cabdiraxmaan Ciro) socod ku mareen goobo dhowr  ah oo ka tirsan Caasimada Hargeysa  iyaga oo masuuliyintaani oo isugu jira madaxda Ururka iyo musharaxiinta golaha deegaanka ee Caasimada  ku qaybiyeen goobo kala duwan  booyado biya ah kuwaasi oo tiro ahaan gaadhayey 40 booyadood, waxaana ugu horayn Masuuliyiintaasi ay tageen Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafadad Pepsiga ee Tareeriska halkaasi oo ay igu yimaadeen taageerayaal garoonka buux dhaafiyey. Ugu horayntii waxa taageerayaashaasi la hadlay  Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waddani ee gobolka Maroodijeex Saalax Maxamed Idir  (Shiine) oo dadwaynaha isu soo baxay la hadlayaa ayaa sheegey hadii ay doortaan in uu wax badan u qabandoono Caasimada Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘Anigu waxaan ahay Musharax golaha deegaanka u taagan waxaanan balan qaadayaa in aan wax badan qaban doono dadwaynaha hadii ay I doortaan xusbiga aan ka sharaxanaya ee WADDANI waxaa xisbi balaadhan oo dadku siman yihiin waanan ku rajo waynahay in ay soo bixidoono manta waad aragtaan oo waxaa inala joga gudoomiyihii ururka WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland waxaan halkan kaga gudoomaynaa   5 booyadood oo biyo ah waxaanan idinka doonayaa dadka degmada Axmed Dhagax  in ay ii codeeyeen”.  Waxa kale isna halkaasi ka hadlay Cismaan Afgaab oo ah Gudoomiyaha Ururka WADDANi ee Gobolka Togdheer oo dadwaynaha ugu baqay ku dhaqan degmada Axmed Dhagax in ay u cadeeyaan musharaxintooda. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Hogaamiyaha Ururka Waddani oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa dadwaynaha isu soo baxay uga mahad celiyey sida quruxda badan ee ay taageeraada igu muujiyeen isla markaana  ku wareejiyey Shanbooyadood oo biyo kuwaasi oo uu Ururku ugu talo galay safal ahaan in ay uga faa’iidaystaan dadka danyarta ah waxaana ereyadiisii ka mid ahaa Guddoomiye Cirro “Walaalayaal aadbaad ugu mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad isugu soo baxadeen waxaana laydka doonaa sidaa aad isugu soo baxdeen in aad mushariintiinana ugu codaysayaan  manta Ololahii doorashada ee Maalinta Waddani waxaa uu u bedelnay in aanu biyo qaybino  dadka taagta daraan wayo waad ogtihiin Hargeysa biyo la,aan ayaa ka jirta walaalayaal Hargeysa 70% biyo ma helaan aniga gurigayga waxaan deganaa 10 sano biyona ma helo, booyad ayaa ii shubta  waxaa kale oo  aan idin ku la dardaarmayaa in aan nabada ilaalisaan oo qof waliba si joogto ah uu ula shaqeeyo Ciidamada Amaanka walaalayaal Somaliland ha noolaato hanoolaato”.

Dhinaca kale Gudoomiye Ciro waxa kale uu soo maray dhowr meelood oo ay ka mid yihiin Garoonka wayn ee Xawaadle oo ay isugu soo urureen taageerayaal tiro badan waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay musharax Kadar Cabdilaahi Madar oo ka mida Musharaxiinta uga tartamaya Ururka Waddani Caasimada Hargeysa iyada oo sid oo kale tirob booyado biyood deeq ah lagu wareejiyey dadka Xaafadaasi.  Ka dib waxaa  Gudoomiyuhu gaadhay Qudbiga Sheekhal Baladka Caasimadda Sheekh Madar oo ay joogeen boqolaal ka mida taageeryaasha musharax  Xasan Xaydh  iyada oo dadwaynaha isu soo baxay uu kula hadlaya Mursharax Xasan Xaydh isaga oo dadwaynaha u baqalan qaday hadii ay doortaan in waxbadan u qabandoono waxaana ereyadiisi ka mid ahaa “Aniga waxaad igaranayasaan mudo tobon sanadood ah waxaan u soo dhex jiray golaha deegaanka wax qabadkaygana waa mid muuqda hadii aad I doorataan waxaan idin balanqaadayaa in aan wax qabad muuqda samayn doono aniga dhowr iyo lixdan jir ayaan ahay khibradna waan u leeyahay golaha deegaanka iyo sida caasimada loo horumariyo waxba yaanu been idiin sheegin inan yar oo dhowr iyo labaatan jir ah oo xaydaabkii hooyadii ku jira marka laga hadlayo qorashaha iyo istaajiyad nin da,dayda ah ama igu dhow ayuun baa wax laga waydiin karaa yaan waxba laydin wareerin  markaa waxaan doonayaa in aan codkiina isiisaan lambarkaygana xifdidaan waxaa kale oo aan doonayaa in aan idin macneeyo farta aan taagayo ee sawirkayga ku taala waa ninkaaga garo  oo ninka wax kuu qabanayaa garo”.

Masuuliyiintii ka tirsanaa Ururka Waddani iyo Musharax Xasan Xaydh waxa ay si wada jir xadhiga uga soo jareen Dhowr Xafiis oo Murashaxa Xasan Xaydh leeyahay ku yaala goobo kala duwan sida Xaafada Kililka, Xaafada Ayax 1iyo Ayax 2 iyo waliba Xaafad Cusub lagu magacaabo Sheekh Cumar oo ku taala duleedka Koonfureed ee Maagalada Hargeysa iyada oo goobahasi aan kor ku soo xusnay lagu qabiyey Booyado biyo ah oo ay dadku aad ugu farxeen isla markaana u soo dhaweeyeen.  Goobaha kale ka tirsan Caasimada Hargeysa ee dadwaynaha Biyaha loogu qaybiyey waxaa ka mid ahaa Hotelka shiraaqle, hotelka qacan Libaax, iyo waliba xaafada ina  mooge oo ay degen yihiin aad u tiro badan oo isugu jira danyar iyo barakacayaal kuwaasi baahida koobaad ee haysataa ay yihiin biyaha  Magaalada Boorame sidoo kale waxa ololaha doorashada ee isu soobaxa Ururka Waddani ka dhacay Magaalada Boorame ee Xarungta gobolka Awdal oo Maasuuliyiinta  isu soo baxaasi kala qayb galay ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Ku xigeenka Koobaad ee Uruka Waddani Md Axmed Muumin Seed ,Musharxiinta Golaha Deegaanka ee Degmada iyo Masuuliyiin iyaga oo ololahoodii u bedelay biyo gelin ay biyo geliyeen 30 guri oo kuyaala gudaha Maagalada Boorame waxaa kale oo biyo gelintaasi ka faa’iidaystay Maagalooyinka Dila iyo Magaalo Cad.

Magaalada Berbera ,Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil ayaa ka mid ahaa Magaalooyinkii ay dhoolatuska lixaadka leh ku sameeyeen taageerayaasha Ururka WADDANi iyada sidoo kalen ay qaar ka mida Mushariinta Golaha Deegaanka ee  Degmada ay Tiro xoolo nool oo deeq ah gaadhsiiyeen dhakhtarka dhimirka ee Magaalada Berbera Iyo goobo kale oo kala duwan.   Magaalada Burco sida Magaalada Burco waxa ay ka mid ahayd meelaha ay sida xad dhaafka ah isugu soo baxeen shaaricyada waa wayn ee magaalada waxaa kale oo magaalooyinkii sida wayn lagu soo baxay ka mid ahaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Ceerigaabo ,Oodwayne,Ceel Afwayn ,Caynaba, Saylac, Gebilay oo dhamaantood uu Ururka Waddani Ololahiisii Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Maanta ugu bedelay Deeq samafal taasi oo lagu salaynayey Magaalo waliba wixii ugu baahi badan yihiin dadkeedu.