Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3139

November 20 2012                                                        Muxaram 6,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Malayshiyo Ku Dhibateeya Dadka Dharka Ciidanka Dawladda Oo Shabeelada Hoose Lagu Qabtey

Shabeelada Hoose, November 20, 2012 (W.Wararka) - Afheyeenka Ciidamada Xoogga dalka Gen.Cali Caraaye Cosoble Gacma-dulle ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Milateriga Shalay gelinkii dambe ka sameeyeen deegaanno ka tirsan wanlaweyn,Leego iyo Yaaqbiriweyne kusoo qabteen 10 Nin oo Burcad ah kuwaasoo ku labisnaa dareeska Ciidamada iyo Qoryaha loo yaqaanno AK 47. Gen. Gacma- Dulle ayaa xusay in raggaasi ay Dhac u geysteen Gaari rakaab ah oo ay ka qaateen Mobile-llada iyo wixii lacag ah oo ay wateen dadka Rayidka waxa uu xusay in Burcaddaasi loo gudbiyay Maxkamadda ciidamada qalabka Sida si caddaaladda loo horkeeno isagoo farta ku fiiqay in dadkii la dhacay dib loogu celiyay hantidooda.Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Muddooyinkii ugu dambeeyay waday howlgallo ka dhan ah Burcadda boobka ku haysa hantida dadweynaha iyadoo dhowr jeer oo hore ay ciidamadu ku guuleysteen inay soo qabtaan rag ku howlan Falalka nuucaan oo kale ah ee lagu dhacayo Shacabka.