Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3139 |
November 20 2012 Muxaram 6,1434 H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daraasad Daaha Ka Qaaday In Mashaakilka Qoyska Lagu Ilaawo Goobaha Shaqada Oo Wakhti Badan Lagu Qaato Shaqada ayaa la ogaaday in ay kordhso daganaanshaha guur ee ka dhexeeya xaasaska wada nool. Culimo wax ka dhigta jaamacad ku taala Gobalka Pennsylvania ee mareeykanka ayaa xaqiijiyay in shaqada haweenku ay qabtaan ay kordhiso daganaanshaha xaga caadifadka iyo nafsada sidaas oo kale waxa yaraanaya in furiin uu yimaado Culimada ayaa ku xaqiijiyay baadhitaano ay sameeyeen in shaqada ay saameeyn ballaadhan ku leedahay daganaanshaha guurka. Khubaro ku xeel dheer arimaha qoyska ayaa sheegaya in xaasaska aan daganaasho ku haysan guurka ay ku qasbanaan doonaan in saacado dheeraad ah ay shaqeeyaan Daraasadda ayaa muujinaysa in shaqadu ay aad u yareyso mushaakilka kala qabsada ninka iyo xaaskiisa. Khubaradu waxa ay xaqiijiyeen haweeneyda isku maareysa shaqadeeda iyo gurigeeda in ay aad uga wanaagsan tahay daganaansho ahaan iyo nafsad ahaan gabadha aan shaqeynin Daraasadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaady in haweenka caruurta xanaaneeya ay yihiin kuwa ugu badan ee la kulmo khatarta dhanka maskaxda iyo jidhka. Daraasadu waxa ay ku talinaysaa in shaqadu ayna noqon mid haweneeyda ka fogeeysa saygeeda iyada oo ku doodeeysa Daraasadu in sidoo kale haweenaydu ay u baahantahay in ay wakhti ku filan siiso saygeeda oo ay nolosha la qayb sato. |