Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3154

December 7 2012                                                        Muxaram 23,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Beesha Toljecle oo Qaadacday Natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka Kadib Markii Musharaxoodii Ku Hadhay 2714 Codka

Hargeysa, December 7, 2012 (Haatuf) - Beesha Axmed Sh. Isaxaaq Tol-jecle oo ka mid ah Beelaha Gobolka Maroodi-jeex, Gabiley iyo Togdheer, ayaa bayaan ay soo saartay ku qaadacday Natiijada Doorashooyinka Golayaasha Deeegaanka ee Degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley, taasoo ay beeshu sheegtay in la musuqmaasuqay.

Warsaxaafadeedkan Beeshu soo saartay oo ay sidoo kale baaq dheer ugu direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxa uu u dhignaa sidan: Warsaxaafadeed: Beesha Axmed Sh. Isaxaaq (Toljecle)    06/12/2012

Ujeedo:   Qaadacad Natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka Somaliland

Madaxdhaqameedka , Aqoonyahanka,  iyo Wax-garadka Beesha Axmed Sheik Isaaq (Toljecle), waxay halkan ka cadaynayaan inay Guud ahaanba Qaadaceen Natiijada ka soo baxday Doorashada Golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28/11/2012, taasoo aanu u aragno inaanay ku salaysnayn Cadaalad daro.

Sababahan hoos ku cad awgood:-

1-Ka dib markii aanu aragnay inaanay Natiijada Doorashadan ka soo baxday ee Degmada Hargeysa ay tahay mid Xaqiiqada ka fog, isla markaana aanu aqoonsanay in si badheedh ku jiro loogu duudsiyay Xuquuqdii ay Bulshada Beeshaasi lahayd, iyadoo ay beeshu ogtahay tirada codadka ay ka heshay Doorashadaasi Degmada Hargeysa.

2-Ka dib markii aanu aragnay God-daloolooyinka kale iyo Musuqmaasuqa ka muuqda Natiijada ay  Galabta soo saareen Guddida Doorashooyinka Qaranka ee degmada Hargeysa, taasoo ay muuqato in Komishanka Doorashooyinku ku Garab-siiyeen Musuq aan Geedna loogu soo gaban iyo garab saar Qabiil oo uu Xisbiga talada haya ee Kulmiye tan iyo maalintii ay Doorashadu qabsoontay ku kala reebayay 25 Musharax ee uga sharaxnaa Degmada Hargeysa.

3-Ka dib markii  aanu si deg-dega uga shirnay sidii aanu uga gun-gaadhi lahayn sababta keentay in Cadaalad-Darada intan leeg nalugula kacay Beesha ,  isla markaana Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Madax-dhaqameedka Beeshu wax iska waydiiyeen arintan, waxaanu isla qaadanay arimahan soo socda.

1.     Dhamaan Madaxdhaqameedka iyo dadka kale ee Magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ee ku saxeexan war-saxaafadeedkani waxay  isku waafaqeen in Natiijada Maanta lagu dhawaaqay si toosa loogu lumiyay Xuquuqdii siyaasadeed ee Beeshaasi , looguna reebay Musharixii Xisbiga Kulmiye uga sharaxnaa Beeshaasi Caasimada Hargeysa Mawliid Nuur Sidci, oo ahaa Musharaxa kaliya ee hogaaminayay tirada codadka Hargeysa, ka hor intii aan lagu dhawaaqin Natiijo ku sheegan Maanta la soo saaray

2.     Waxa kale oo ay isku raaceen inay guud ahaanba qaadacaan Natiijada hada lagu dhawaaqay ee lagu duudsiiyay Mawaadiniinta Beeshaasi ee Gobolka Maroodi-jeex iyo kuwa degmooyinka kale ee Dalka, sida Gabiley iyo Qorulugud oo hore loo boobay Codadkooda.

3.     Beeshu waxay arintan ka yeelanaysaa Shir deg-dega oo lagu raadinayo Masiirka siyaasadeed ee umadan laga lumiyay, waxaanay qaadaysaa talaabo kasta oo ay kaga jawaabayso  Cadaalad darada lagula kacay, annagoo  mar walba dhawrayna Amniga iyo Qaranimada Somaliland.

4.     Beesha Tol-jecle waxay Baaq dheer u diraysaa dhamaan Cida ay khusayso arinta doorashadu, haday tahay Guddida Doorashooyinka Qaranka, Xukuumadda talada haysa, xisbiga Mucaafidka ah ee Kulmiye, guud ahaanba shacbiga reer Somaliland iyo Asxaabta iyo Ururadda Doorashada ka qayb galay, kuwaasoo ay ugu baaqayso inay hoos u eegaan Cadaalad darada noocan ah ee lagu kacay.

5.     Ugu dambeyn beeshu waxay mar kale Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye oo aanu u aragno inay iska kaashadeen talaabadan qaawan ee lagula kacay B ugu baaqayaan inay si dhakhso ah uga laabtaan Go’aankan oo ah mid saamayn doona dhamaan Umadda Reer Somaliland.

Magacyada Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo Wax-garadka saxeexay Qoraalkan:

1-Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi.

2-Caaqil Maxamed Aw-Cismaan.

3-Caaqil Cismaan Kheyre.

4- Caaqil Aw-maxamed Cilmi  Geedi.

5-Caaqil Axmed Cali Shafeec.

6-Prof, Yuusuf Cismaan Garas (Af-hayeenka Aqoonyahanka Beesha)…

7-Guddoomiyaha Ururka Dhalin-yarada ee Beesha, Yacquub Cabdilaahi Cumar.

8- Guddoomiyaha Qurba Joogta Beesha, Caydaruus Maxamuud Yuusuf .

9-Guddoomiyaha Mujaahidiinta Beesha. Mujaahid Muuse Cumar Xuseen.

10-Prof. Cabdirisaaq Xuseen Faarax (Guddoomiyaha Aqoonyahanka Beesha)