Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3155

December 9 2012                                                        Muxaram 25,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisaabiyihii Hore Ee Qaranka Oo Sheegay In Dibu Tirinta Codadka Hargeysa Ay Daaha Ka Fayday Sida Komishanku Ugu Fashilmay Habkii Ay U Maamuleen Doorashada, Kuna Baaqay In Cabashada Gobolada Kalena La Fuliyo

Hargeysa December 9, 2012 (Haatuf) – Xisaabiyihii hore ee Qaranka Ibraahim Aadan Qaalib ayaa sheegay in Komishanka doorashooyinku ay ku fashilmeen in dalka ay ka qabtaan doorasho xor oo xalaal ah, kuna tilmaamay go’aanka ay Komishanku ku ogolaadeen dibu tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Maroodijeex mid daaha ka fayday in doorashada golayaasha deegaanka wax isdaba marini ka dhacday, waxaanu ku baaqay in codadkii gobolka Gabiley laga bixiyay iyo guud ahaanba gobollada kale ee cabashada laga soo jeediyay-ba dib loogu noqdo tirinta codadkii laga dhiibtay. Mr Ibraahim Aadan Qaalib ayaa sidoo kale sheegay inaanay beeshooda Makaahiil (Samaroon) ee gobolka Gabiley aanay ku qanacsanayn go’aankii lagu reebay musharaxooda Cabdillaahi Cabdi Bukhaari oo uga sharaxnaa xisbiga Ucid iyo golaha deegaanka Gabiley.

Mr Qaalib ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaa cadaynaysa oo ka markhaati kacaysa in komishanka doorashooyinku ay ku fashilmeen doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii November 2012 oo muujinaysa mar hadii ay ku celiyeen in dib loo tiriyo codadkii ka soo baxay gobolka Maroodijeex, sidaa darteed waa in dib loogu celiyo tirinta codadka gobollada kale ee cabashadu ka soo yeedhay, gaar ahaana gobolka Gabiley, beesha Makaahiil (Samaroon) ee deegaanka Gabiley-na kuma qanacsana mana aqbalayso kursiga laga faro maroojiyey musharaxoodii uga sharaxnaa golaha deegaanka degmada Gabiley ee Cabdillaahi Cabdi Bukhaari, oo ka tirsanaa musharixiinta xisbiga Ucid uga tartamayay degmada Gabiley, sidaa darteed beesha Makaahiil ee deegaanka Gabiley oo ahayd beeshii doortay xildhibaan Cali Gabiley kuma qanacsana go’aanka musharaxooda ay ku reebeen komishanka Gabiley”.