Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3155

December 9 2012                                                        Muxaram 25,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Caruur Yar-Yar Oo Aan Wax Hub Ah Sidan Ayuu Wasiirka Daakhiligu Ciidamo U Diray Oo Rasaas Laabta Lagala Dhacay, Hadana Uu Wali Hanjabayaa”

Muj. Cali Guray

Hargeysa, December 9, 2012 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa Fashilaada Doorashada Deegaanka masuuliyadeeda u xambaariyey Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinka oo quus ku tilmaamay. Mujaahid Cali Guray ayaa waxa uu sidoo kale eedo kulul u soo jeediyey Wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), kaas oo uu ku eedeeyey Qayrul masuulnimo, isla markaana tibaaxay inuu si axmaqnimo ah u  rasaas iyo ciidan badan ugu adeegsaday taageerayaashii Xaqsoor ee mudaharaaday maalintii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ee Hargeysa. Cali Maxamed Yuusuf  ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Magaaladda Hargeys, ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa Doorashadii ugu horaysay ee Somaliland ay ku guul-daraysato, Guul ii noqon mayso Guul-darada Somaliland waxay Guul u noqonaysaa kuwa ay Guusha Somaliland ay Guul-daradda u tahay, waxa inoo bilaabmay cahdi cusub waxaynu ilaali jirnay magac, Dad aan tudhay oo aan Dalkan lexee-jeclo ka lahayn ayay taladeednii oo dhami gacanta u gashay oo waxa Dalkan ka dhacaya oo dhan Masuuliyadeeda iska leh, waxaan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Rasaastii ay Ciidanku ridayey. Caruur yar-yar oo aan wax Hub ah sidan ayaa Wasiirka Arrimaha gudduhu inta uu Ciiddamo u diray ayaa Rasaas laabta lagaga soo wada dhuftay hadda-na weli wuu hanjabayaa, waxaanu u arkaa inay Xabadu xal tahay hadday xal noqota-na isagaa tuurinka u sidda”. Cali Guray ayaa Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor ku Tilmaamay shaqi aan Cidi Somaliland ugu lexe jeclo badnayn “Muwaadinka Xasan Ciise Jaamac waxa alaale iyo waxaa Xukuumadda ku jira isagaa uga lexeejeclo badan Dalkan iyo Dadkan, waayo inta isaga ka gashay kamay gelin, sidaa darteed anigu ma qabo inay Doorashaddani weli inay dhamaatay 7 Urur mid-na wixii xaqa uu u lahaa inuu helayo u malayn maayo waa wax loo buriyey iyo mid laga baabiiyey. Horta Jini Ninkii keenaa furdaamiya waxa waxan baabiiyey ee sidaan wax u galay waa Komishanka iyo Xukuumadda u malay-maayo intay kala guraan inay Cadaalada sugi-karaan, laakiin wixii ay wax ka qaladamaan xaq bay u leeyihiin inay dacwoodaan”.