Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3156

December 10 2012                                                        Muxaram 26,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiyaha Guurtida Oo Afka Ka Xidhay Inay Ka Hadlaan Mudaharaadyadii Dhawaan Ka Dhacay Caasimada Ee Dhimashada Keenay Iyo Fashilka Komishanka Ee Doorashada

Hargeysa, December 10, 2012 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo la filayay inay ka hadlaan mudaharaadyadii ka dhashay natiijadii codbixinta doorashada golayaasha deegaanka ee ka soo baxday gobolka Maroodijeex ee Khamiistii iyo Jimcihii todobaadkii hore ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Ilaa hada lama oga asbaabta ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo gudoomiye Saleebaan ay uga hadli waayeen mudaharaadyadaasi oo galaaftay saddex qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii mudaharaadaysay, halka ay dhaawacyana ka soo gaadheen dhawr qof oo lagu dawaynayo Cusbitaalka guud, ka dib markii ay ciidamada Bileysku Rasaastii ay ku kala dareerinayeen mudaharaadayaasha ay haleeshay saddexda ku dhintay iyo tirada dhaawacmay.

Rabshadahan ka dhacay todobaadkii hore degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargeysa oo saamayn ku yeeshay xaalada amni ee degmooyinka kala duwan ee Hargeysa, ayaa dadweynuhu labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay u dheg taagayeen fariinta iyo baaqa nabadgalyo ee shacbiga ay uga diri doonaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ay rabshadahaasi dhimashada iyo dhaawac keenay, sidoo kalena ay ka tacsiyadayn doonaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaasi ku dhintay iyo kuwa dhaawacmayba.

Rabashadaasi ka dhacay Hargeysa ayaa saacadihii ay socdeen waxa istaagay isu socodka gaadiidka iskaga gudba xaafadaha magaalada, gaar ahaan Biriijka weyn ee xudunta u ah labada daamood ee Caasimada Hargeysa.