Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3161 |
December 16 2012 Safar 2,1434 H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Cuqaasha Iyo Waxgaradka Musharax Khadar Bohosha & Qaar Ka Mid Ah Xubnihii Aan Guulaysan Ee Hargeysa Oo Si Adag Uga Hadlay Isku Bedalka Komishanku Ku Sameeyay Murashixiinta Hargeysa, December 16, 2012 (Haatuf) - Cuqaasha iyo wax garadka beesha uu ka soo jeedo Musharax Khadar Bohosha oo ka mid ahaa murashaxiintii gobolka Maroodijeex uga tarmayay golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa oo ay weheliyaan Murshixiintii aan ku guulaysan doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay isku badalka uu Komishanka doorashooyinku ku sameeyay Musharaxiinta, iyagoo sidoo kalena ugu baaqay inay kuwa ugu horeeya ee dhibaatada arrinkaa ka soo socota ay saamayn doontaa ay yihiin todobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka qaranka Cuqaasha iyo waxgaradkani waxay sidaa ku sheegeen shir jaraa'id oo ay shalay ku qabteen hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, oo ka soo qayb galeen Caaqil Ismaaciil Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Jaamac (Caloolay), Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa murashixiintii ka sharaxnaa Caasimada Hargeysa ee aan ku guulaysan, Sahra Suudi Iimaan, Cuqaal, Haween iyo dhalinyaro. Ugu horayna waxaa shirkaasi hadal kooban kasoo jeediyey Maxamed Cabdi Jaamac (Caloolay) oo ka waramay khaladaadka aan tirada lahayn ee uu galay Komishanku, sidoo kalena ugu baaqay in cida ugu horaysa ee ay dhibaato kasoo gaadhaysaa ay tahay todobada xubnood ee Komishanka, waxaana Hadalkiisii ka mid ahaa “Haddii aan ka waramo siday wax u dhaceen anigu waxaan ahaa xildhibaan Dalsan ka sharaxan baan ahaa, waxaanan ahaa ninkii Dalsan ugu codka badnaa markii wakhtigii la xidhay xisaabta komishanka ee tirada 110 sanduuq oo gobolka Hargeysa ah markii la dhameeyay ee la wada sexeexay ee sagaashankii nin ee ururada u joogay ay wada sexeexeen, ninkii ugu codka badnaa Dalsan baan ahay, maantana meel alaale meel uu codkaygii maray ma garanayo kumbuyuutar Server la yidhaa oo komishanka dhex yaala oo baaswaydhkiisa xitaa la iibsaday oo niman kaga dhex shaqaysanayeen iyagoo ingiriiska jooga ayaabaa inta ummada wax looga soo daabacay la yidhi sidaasay wax u dhaceen, dadku way ku qanceen oo way aamuseen anigaygaa kula hadlayaa xitaa wax rabashad iyo wax buuqa maan samayn ee waan aamusay, markaa laba mid bay meeshani noqonaysaa, bulshadana aanu u sheegaynaa hadii 410-kii sanduuq ee la tiriyey waraaqihii ururadu ay wada sexeexeen nala soo hordhigay oo lagu xisaabtamayo waa gar oo waanu ogolnahay, laakiin in maalinba inan yar la soo galiyo meel oo la yidhaa inan yar baa halkan ku soo baxay ma ogolin, wax aanu aqbalaynana maaha ee in 410-kaa sanduuq halanoo tiriyo maanta iyo in doorashadaa la kansal gareeyo iyo in todobada nin ee komishanku u dhintaan wax nooga dhexeeyaa majirto” Sidoo kale waxa isaguna Madashaasi Hadal kooban ka soo Jeediyey Caaqil Ismaaciil Yuusuf Axmed, ayaa komishanka doorashooyinka ku tilmaamay qaabka ay u maamuleen doorashada deegaanka kuwo dadka isku dilaya, isla markaana dhibta dhibaatda timaada ay ka masuul noqon doonaan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Meeshan 25-xildhibaan baa soo baxay waa la bayaamiyey waana lagu dhawaaqay waana cadaan, waana marag madoon ma doonayno in maalinba nin la soo raro, mushkilada taagan Somaliland baa lagu soo raray laba inan labadaa inana waxaa layskugu soo raray in laysku dilo, waxaan u malaynaa dawlada iyo komishanka inay ku filaan wayday balaayadii hore ee dhacday ee komishanku sameeyay ee Xaqsoor, taasoo aan u arko in dhib intaa ka badani markay dhici wayday la doonay tu kaloo taa ka darani inay dhacdo oo laysku dilo oo dhiig ku daato, waxaan u malaynayaa hadii la sii wad wadana horta waa todobada xubnood ee komishanka cida u dhimanaysaa ee dambigaasi xambaaranaysaa, Madaxweynihii Yugaadha ee hore Iidi Amiin ayaa marka uu nin dilayo wuxuu marka hore u diri jiray nin C.I.D-da ah oo uu odhan jiray soo eeg, markuu dilo ayuu ninka C.I.D—da ah ku odhan jiray Kiiska baadh, markaa arrinkani taas ayuu la mid yahay” Sidoo kale waxaa iyaguna madashaasi hadalo kasoo jeediyey qaar ka mid ah murashixiintii ka sharaxnaa caasimada Hargeysa ee hadhay, kuwaas oo dhamaantood tilmaamay in komishanka doorashooyinku hormood ka yahay qalalaasaha dalka ka dhacaya, islmarkaana ugu baaqay madaxwaynaha Somaliland in uu xilka ka qaado todobada nin ee komishanka, xabsigana u taxaabo. Geba-gebadii munaasibadaasi waxaa hadal kooban kasoo jeedisay Sahra Suudi Iimaan, waxaanay sheegtay in cida ka dambaysa isku badalka musharixiintu uu yahay ninka la yidhaa Cali kubad ee ku jira komishanka oo adeerna u ah musharaxa lagu badalay Khadar bohosha, waxaana Hadalkeedii ka mid ahaa “Waxa weeyaan nin lagu dhawaaqay oo layidhi waad soo baxaday hadana maad helin ee nin kalaa lagaa daba keenay maaha wax aanu aqbalayno, nin deegaanka hargeysa u dhashay waanu ogolnaahay in laga daba keeno laakiin ma ogolin ninka reer burco ee waliba burcana kasii shisheeya ee ceerigaabo u dhashay waar 26-ka june baad kusoo baxday dee ma qaadanayno ayay ila tahay aniga anigoo dumara waliba taana dilbaa laga xigaa, waxaanan qabaa nimanka ninkan wadaa waa niman tolkii ah oo komishanka ku jira ninka cali kubado la yidhaa ee komishanka ku jiraa waa nin adeerkii ah hadii uu hawshaa uu wado joojin waayo sidaa horana wax iska badalaan, ka u horaynayee dhimanayaa waa isaga” |