Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3176 |
January 2 2013 Safar 20,1434 H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Xaqsoor Balan Baa Noo Taalay, Waxaan Ku Idhi Xasan Ciisoow Inaabti Hadii Aad Soo Baxdidna Kaaga Ayaanu Imanaynaa, Hadaanu Soo Baxnana Kaayaga Kaalay, Doorashadaynu Galnay Waxa Inaga Faa’iiday Ethiopia Oo $15 Milyan Ayaynu U Isticmaalnay Qaad, Sigaar, Baasiin” Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Hargeysa, January 2, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay gogol u fidinayaan urur siyaasadeedka Xaqsoor oo lagu reebay doorahadii dalka ka dhacday 28-kii November 2012-kii, waxaanu intaasi ku daray inay Hogaamiyaha ururkaasi Xasan Ciise Jaamac ay balan u taalay, taas oo ahayd hadii aad soo baxdaan waanu idiin imanaynaa, hadii aanu soo baxnana kaayaga kaalaya. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu tilmaamay in doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay sanadkii hore ay ahayd mid ay hadheeyeen Musuqmaasuq, isla markaana intii doorashadu socotay 15 Milyan oo dollar loo isticmaalay Qaad, Sigaar iyo Shidaal oo ay faa’iido weyn oo dhaqaale ay u xarootay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo soo saara Qaadka. Mr Waraabe ayaa waxa uu carabka ku dhuftay oo uu ka sheekeeyey xaalado adadag oo uu xisbigiisu ka soo gudbay, kaas oo uu sheegay in la doonayey in saaxada lagaga saaro oo uu ka badbaaday, waxaanu ku tilmaamay inay Galeen Dagaalkii Badar oo kale. Waxaanu sidaasi ka sheegay isku soo bax balaadhan oo xisbigaasi ugu dabaal dagayey ka mid noqoshada mar kale saddexda Xisbi Qaran iyo guulihii uu ka soo hooyey doorashadii golaha deegaanka, waxaana xafladaasi ka dhacday Maansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe “Hase ahaateee walaalayaal xisbigu ilaa maalintii uu Kulmiye qabtay kursiga Madaxweynaha ilaa maanta dagaal ayaa lagula jiray, sababaha ururada loo furayna waxa uu ahaa in xisbgian la baabiiyo, xisbigan waxa laga raacay bishii la odhan jiray may 20keedii sanadguuradii 20aad ee Somaliland ayaa waxa aan qoray magaal dheer oo aan qoray oo la yidhaa xagaynu joognaa oo 6 bog ah ayaan qoray, waxaan ka soo sheekeeyey taariikhda sooyaalka ah ee siyaasadeed ee ilaa lixdankii oo ahayd mid aan lagu aflixin oo mar kasta ay aflaxid la’aantaa ay hayeen hogaan xumo dalka ka taagnayd, waxaan ku soo daray waxa mar kasta hogaanka Somaliland yimaada shakhsiyaad aan eegayn danta dadka ee iyagu dantooda uun eega, taasina waxa ay keentay in marna dadka dalkan dagani aanay wixii ay doonayeen ee dawlad nimo ay ka doonayeen aanay helin, markaas ayaa dagaal la igu qaaday, oo ahayd markii ugu horaysay ee xisbiga Ucid uu kala hadlo oo gudoomiyaha oo hadla la yidhaa ka daba hadla, wixii ka dambeeyeyna kooxbaa la sameeyey xisbiga ka mid ahayd oo la yidhi xisbgia ka soo qaada anaa idiin fadhinee, waynagii dagaalkii Badar galnay ee ilaahay inagu anficiyey waynagii galnay, waxa weeyi walaalayaal doorashaynu galnay asxaabtii ayaa la furay, waxaa la yidhi ma sadexdan xisbi ayuunbaa ina hor yaala iyo saddexdan gudoomiye, doorashadii waynu galnee maxaa ka soo baxay, masrixii siyaasada yaa soo galay, Kulmiye iyo Ucid horeba way u jireen, bal xisbiga sadexaad diirada saara iyo raga hor socda, waa qoladayadii baas soo baxday anagaba waxba nagu tari wayday markii ay nagu jireen, markaa wax laga faa’iiday doorashaday waxa inaga faa’iiday Ethiopio oo 10 Milyan oo doolar ayaynu isticmaalnoo 12 Milyan qaadbaynu ku cunay, 2 milyana waxaynu ku cabnay sigaar milyana waxaynu siisanay Baasiin, khasaarahaas ayaa inagu dhacay aynu isticmaalnay 15 Milyan oo doolar. Markaa ururada haday waxaan u sheegaynaa in aanay maanta ku hadhin doorasho xalaal ah, doorasho aynu is boobno ah anaguna tawxiidka ayaanu ku baxsanay, laakiin maanta waxa weeyi waa la kala baxayaa dee ururkii doonaya inuu mucaarid noqdana xisbigan ayuu soo galayaa, kii ahaa Cawslaysa Muusaysana dee waxa uu iska gali doonaa Kulmiye. Anaga Xaqsoor balan baa noo taalay maalintii Xaqsoor la bilaabayey waxaan ku idhi hadii Xasan Ciisoow Inaabti aad soo baxdidna kaaga ayaanu imanaynaa, hadaanu soo baxnana kaayaga kaalay, markaa horta iyagana gogosha waanu u fidinaynaa, insha alaahu tacaalaa gudoomiyaha Xasan Ciisana waanu u tagaynaa aniga iyo Jamaalba waanu u tagaynaa hadii alle yidhaa, walaalayaal waxa aan ka xumahay in dadkeenii marka ay mudaharaad dhigaan in loo adeegsado ciidamadii loo soo tababaray Argagixisada inay dadka madaxa ka toogtaan in loo adeegsado maaha walaalayaal”. Dhinaca kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kaas oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Wakiilada ugu baaqay mar hadii uu Ciro tijaabinayey in ururkiisu soo baxo iyo in kale oo uu diidanaa inuu ka dago jaga wakiilada, maanta la joogo mar hadii uu ururkiisii xisbi noqday inuu Jagadaasi wakiilada baneeyo umaduna aanay ka yeelayn inuu isku hayo oo hantida qaranka uu u isticmaalo dano shakhsiyadeed. Sidoo kalena waxa uu Jamaal Cali Xuseen u hambalyeeyey Xisbiga Wadani inuu ka mid noqday Xisbiyada Qaranka, balse waxa uu ku dheeraaday Mr Jamaal labada xi lee uu Gudoomiyaha Wadani isku hayo oo xisbiga UCID uu mudaba ka qaylinayey. |