Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3180

January 7  2013                                                             Safar 25,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dablay Hubaysan Oo Laascaanood Ku Dhaawacay Ganacsade Iyo Ciidanka Amniga Oo Baadhitaano Ay Ku Galalafeen Xaafadaha Magaaladaasi Ku Soo Qabqabtay Dad Lala Xidhiidhinayo Falkaas

Laascaanood, January 7, 2013 (Haatuf) – Dabley hubaysan oo aan la aqoonsanin haybtooda ayaa shalay gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhaawacay Ganacsade la yidhaa Axmed Cabdi Timir oo ka mid ah ganacsatada ugu waawayn deegaankaas, kaas oo wakhtiga rasaasta lala beegsaday marayey badhtamaha suuqa Magaaladaasi.

Kooxdaas Dablayda ah ee weerarka geysatay ayaa la sheegay in la yaqaan isla markaana qaar ka mid ah shalay ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Booliiska ee Somaliland,  sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Weerarkaas Axmed Cabdi Timir lagu dhaawacay inuu daba socdo dhaawac hore Magaalada Laascaanood loogu geystey nin lagu magacaabo Cabdicasiis Xuseen Taarwale.

Dhinaca kale Ciidamada Amaanka Somaliland ee gobolka Sool ayaa markii uu falkaasi dhacay waxyar ka dib soo gaadhay goobtaas, isla markaana dhamaan magaalada Laascaanood ka bilaabay baadhitaano ay ku raad-goobayaan Dablaydaas oo dad lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen weerarkaasi xabsiga ku guray. Dhaawaca ganacsadaha ayaa markii rasaastu ku dhacday la geeyay Cusbitaalka Magaalada Laascaanood si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, inkasta oo xaaladiisa caafimaad aanay sidaa u sii darnayn, sida ay sheegayaan dhakhaatiirta Cusbitaalku.

Waxa isa soo taraya falalka dilalka ah ee ka dhaca Magaalada Laascaanood taas oo 21-kii bishii hore ee 2012-kii magaalada Laascaanood lagu dhaawacay Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Xuseen oo ka mid ah golaha deegaanka ee Laascaanood. Halka Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saki) oo ahaa wariyihii telefishanka Universal ee Laascaanood la khaarajiyey 23-kii October 2012-kii.