Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3180

January 7  2013                                                             Safar 25,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/2aad)

1). Sadaqadu Waa Belaayo Xijaab 20/sep/2011

Waxa uu bilaabay inuu dhagxaantii urursado oo ka soo buuxiyo meel kasta maryihii uu xidhnaa.

Wax mahaystihii waxa uu u xuubsiibtay ama uu ku soo biirayaa xayndaabka dabaqada tujaaarta iyo dadka ilaahay wax siiyey, waxaa uu dib ugu soo laabtay magaaladii uu ka dhuyaalay ee gaajadu ku dubatay isagoo la ciiraya dhagxaantii barakaysnayd.

Dukaan ka mid ah kuwa ugu sumcaada iyo suuqaba badan e magaalada ayuu soo galay oo tusay xabad ka mid ah dhagaxaantii uu siday, taasoo ka mid ahayd kuwii ugu yaryaraa.

Maalqabeenkii tukaanlaha ahaa waxa uu la yaabay dheemantan go’ casuhu sito iyo qiimaha ay leedahay. Tukaanlihii waxa uu u sheegay Qalas in aanu maalkiisa oo dhami goyn karayn dhagaxan yare e gacanta uu ku sido qaalinimadiisa,Ilaahay kolka uu qof duunyo la damco reermaad tihiin mayidhaahdo!!!!!!!!!!!!!!! Waxaanu usheegay in uu tago tuulada ay jaarka yihiin ee xagga koonfurta kaga beegan halkaas oo uu joogo maalqabeen taajjir ah,dhagaxanna kaa iibsan kara.

Dukaanlihii oo hadalkiisii wata ayaa yidhi:”Qalasoow wixii aad u baahantahay dukaanku waa dukaankaagii,waad qaadan kartaa”.

Qalas waxa uu ambo baxay tuuladii ay jaarka ahaayen ee loo tilaamay si uu dheemanta uga soo iibiyo maal qabeenka halkaas lagu sheegay.

Kolkii uu gaadhay goobtii waxa uu si toos ah u abaaray ninkii taajirka ahaa,sidii kii hore oo kale kolkii uu arkay dheemantii uu sitay Qalas

Ayuu salbabakhay oo qaylo af labadii yeedhay,isagoo ku dhawaaqaya:”hadddii xoolahayga oo dhan aan ku siiyo ma goyn karaan dhagaxan yare e dheemanta ah,laakiin waxan kuu tilmaamayaa nin maal qabeen ah oo ilaahay wax siiyey kaana iibasan kara dheemantan.waana ninka degen tuulada inagu xigta. Isla markiiba waxa uu u ambo baxay tuuladii tilamaanteeda la siiyey,hadii uu gaadhayna waxa uu la kulmay ninkii maalqabeenka ahaa si fiican buu u soo dhaweeyay,waxaanu ka iibsaday dhagaxii dheemanta ahaa oo uu ka siistay lacag aad u tiro badan oo aan xaddi lahayn.

Adduun waa hadh wareega nina faqrigu lama dhalan,waakaa wax mahaystihii busaarada la salcaansanaa Rabbi faraj u fuaray ee nimco adduun u dhameeyay.

Aadamuhu sidiisaba waa indho ku garaadle weliba intiisa badadni ay indhow garad tahay oo indheer garadku ku yaryahay.

Qalas oo ahaa haad geed waayey dadka intooda badanina ay xaqiraan saboolnimada awgeed durba kolkii ay ogaadeen deegaankiisii waxaa loola baxay boqolaal magaac oo kala duwan.

Dadbeecadaha aadamaha lagu yaqaanno kolka uu qof maal badan helo labo mid uun baa laga filaa:-

1. In uu maro dariiqa togan

2. In uu maro dariiqa taban

Allle (swt) waxa uu garansiiyey Qalas in uu maalkaa faraha badan kula tooso dariiqa toosan (togan), kagana qayb qaato xoojinta barnaamijyada khayriga ah noocyadooda kala duwan, sida:-

Dhismaha masaajiida

Dhismaha dugsiyada tacliinta

Quudinta masaakiinta

Daaryeelka agoomaha

Taakulaynta dadka nugul

Guur wadareedyada

Fidinta diinta islaamka

La dagaalanka dhaqan xumada iwm

Iyo dhamaan wax kasta oo bulshada horumar u keenaya.

Qalas mar labaad ayaa uu riyooday kolkii uu dhinaca dhulka dhigay waxaanu ku riyooday riyadan laayaabka leh ee soo socota:

Waxa u yimid malagii nafta qaadayey oo xambaarsan fariin ah in Qalas noloshiisii ay u hdhay 40 casho oo keli ah,sidaas awgeed ay haboontahay inaaad diyaargarowdo,waxaanana kuu sheegayaa dadka kale looma sheego xilliga nafta laga qaadadyo laakiin adiga khayrkaagii baa batoo sidaas baa laguugu sheegay”.

Qalas:waa tahay waad mahadsantahay,waan diyaar garoobaayaa hadii alle idmo,waxaanu ku hayn kari waayey indhaha malagan oo aad u weji adkaa.

Mudaaddii 40ka casho ahayd Qalas waxa uu qaybiyey dhamaan xoolihii Alle siiyey,waxbana lamuu hadhin waayo waxaba loo sheegay in uu dhimanayo oo waqtigaas yari ka hadhay.

Maalintii aafartaanaad ayaa uu iska jiifsaday oo dhinaca dhulka dhigay isagoo diyaar u ah in malagii u yimaado oo uu ka qaado nafta.

Malagii ayaa u yimid Qalas oo jiifa waxaanu ku yidhi waaryaahe waa tii ballanteenu ahayd in manta nafta lagaa qaado laakiin waxaan kuu sheegayaa in laguu soo kordhiyey mudadii oo lagaaga soo dhigay 40 sano kadib. Qalas: waar diyaar baan ahee kaalay oo iga qaad nafta.

Sidii baanu malagii kaga tagay Qalas, halkaas oo uu muddo dheer oo dambe sii noolaa.