Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3184

January 11 2013                                                             Safar 29,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Barcelona Oo Sannadkii Labaad Oo Isku Xiga Loo Caleemo Saaray Kooxda Ugu Fiican Sannadka

Kooxda Barcelona ayaa sannadkii labaad oo isku xiga loo caleemo saaray kooxda sannadka abaalmarinta sannadlaha ee ay bixiso xiriirka caalamiga ee taariikhda kubada cagta iyo istaatistikada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano IFFHS. Abaalmarinta IFFHS oo ah mid ay aqoonsan tahay FIFA ayaa isla sannadkan bixisay labo abaalmarin oo kale ah goolhayaha ugu fiican sannadka oo ay siiyeen Iker Casillas, halka shalayto sidoo kale uu macalinka sannadka ku guuleystay Jose Mourinho. Kooxda Barcelona ayaana sannadkii labaad oo isku xigta u sareysa kooxaha kubada cagta adduunka, waana markii afaraad oo ay noqoto kooxda sannadka, iyadoo hore u soo noqotay 2011, iyo weliba 1997 iyo 2009. Barcelona oo Copa del Rey ku guuleystay xilli ciyaareedkii hore ayaa heshay 307 dhibcood, halka kaalinta labaad ay soo gashay kooxda heysata Champions League oo heshay 279 dhibcood, waxaana soo raaca kooxaha Boca Juniors iyo Atletico Madrid oo iyagana helay min 278 dhibcood, kooxda heysata Champions League-ga Latin America iyo koobka kooxaha adduunka Corinthians ayaana ku jirta kaalinta shanaad. 10ka kooxood ee adduunka ugu sareeya ee abaalmarinta IFFHS waa sida tan:

1. FC Barcelona, 307 dhibcood

2. Chelsea, 279

3. Boca Juniors, 278

4. Atlètic de Madrid, 278

5. Corinthians, 272

6. Bayern Munich, 270

7. Real Madrid, 259

8. Juventus, 231

9. Borussia Dortmund, 226

10. Olympique Lyon, 224