Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3189

January 17 2013                                                                 Rabicil Awal 5,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Boobe Y. Ducaale Oo Shuruudo Lagu Xidhay Xil Safiirnimo Ah Oo Uu Ka Quudaraynayey Xukuumada Somalia

Muqdisho, January 17, 2013 (Haatuf) - Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf
Ducaale ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey raajicis ugu jiray sidii ay xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ee Somalia ugu magacaabi lahayd safiirkeeda u fadhiya Djibouti ama Addis Ababa.

Siday ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw Madaxtooyada Somalia ay Haatuf u sheegeen, Mr Boobe waxa uu xilka safiirnimada ah uu markii hore waydiistay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ay labadooduba u wada shaqayn jireen mashruucii “Mujtamaca Dagaaladu Kala Faquuqeen-War-Torn Society” kaas oo hada magaciisa loo yaqaan Interpeace.

Hase yeeshee Mr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Boobe u sheegay inuu waafaqsan yahay magacaabistiisa, balse aanu arintaasi u gacan dhaafi karayn wasiirkiisa arrimaha dibada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.  Ilo u dhuundaloola arintan ayaa waxa ay Haatuf u xaqiijiyeen in Boobe markii dambe uu telefoonka kula xidhiidhay Foosiya mar ay dhawaan booqasho ku joogtay magaalada London, balse ay magacaabistiisa ku xidhay inuu marka hore Xamar yimaado.

Boobe oo xilka wasiirka warfaafinta Somaliland loo magacaabay 14/3/2012, lagana qaaday xilkaasi 28/8/2012, ayaa mudadaas dabadeed inta la og yahay mar kaliya oo uu Djibouti gaadhay dalka dibada uga baxay. Waxa xusid mudan in Boobe qoraalkiisa taxanaha ah ee ku saabsan Sirdoonka Somaliland ee ku soo baxa qaar ka mid ah wargeysyada dalka, ninka qarsoon ee reer Somalia ee uu xiganayaa uu yahay Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo intii aan loo dooran xilka uu hadda hayo ay isaga iyo Boobe wada kulmi jireen marka uu Hargeysa booqashada ku yimaado.