|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3191 |
January 20 2013 Rabicil Awal 8,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Faysal C. Waraabe Oo Jug Weyn Oo S/land Soo Gaadhay Ku Tilmaamay Aqoonsiga Maraykanka Ee Somalia, Cawaaqib Xumadeedana Dusha U Saaray Xukuumada Siilaanyo Hargeysa, January 20, 2013 (Haatuf) – Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Aqoonsiga dawlada Maraykanka ee Somalia uu yahay mid ay ku degdegtay maadaama oo Dalkii Somalia la isku odhan jiray uu ka koobnaa Somaliland iyo Somalia, isla markaana War-murtiyeedka ka soo baxay Maraykanka uu u arko Jug weyn oo soo gaadhay gooni isku taaga Somaliland iyo wadahadaladii ay Somalia la lahayd. Gudoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacada BBC-da xalay, waxaanu yidhi “Arintaasi mid ay ku soo degdegtay dawlada Maraykanku weeyaan, Maxaa Yeelay Dalku wuxuu ka koobnaa Somaliland iyo Somalia inay dhinac qudha Ictiraafto wakhtigan may ahayn maadaama labadii dhinac ay wada hadlayaan, waxaanu u aragnaa War-Murtiyeedka Maraykanka inuu yahay mid Jug weyn ku ah gooni isku taaga Somaliland xitaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ay wax weyn u dhimayso ayaanu u aragnaa, siyaasadii labada wadan ee Dual Trag-ga ahaydna way soo xidhan tahay hadda halka qudha ee ay Somaliland la xidhiidhaysaa waa Somalia, tani waa cawaaqib xumo ku timid dalka Somaliland masuuliyadeeedana ay leedahay Maamulka Madaxweyne Siilaanyo”. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland uu yahay nin kaligii cidlo gaariyaya, oo siyaasadii qaranka oo dhami ay isaga ku xidhan tahay. “Horta waxa aad moodaa in Maxamed uu kaligii Cidlo Gaardiyaayo, maaha siyaasad qaran in qof telefoon sitaa iska jawaabo maaha. Masuulku waxa weeyi inuu waxan baadho oo uu qotodeeda baadho, maaha uun inuu iska hadlo isagoo kolba meel maraya, arintani waa arin aan indhaha laga qarsan karayn ay dawlada Maraykanku siyaasadii Somaliland ay kula macaamilaysay oo ay bedeshay. Waana Super Powerkii aduunku mar hadii uu arintaasi ku dhawaaqay waxaan u arkaa in kuwii kale ee nala macaamili jirayna ay wadadaas oo kale raacayaan”. Faysal Cali Waraabe mar uu dhaliilayey siyaasada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in muddadii ay dalka timid uu dalku khatar galay waxa uu yidhi “Waxa ay hadda arintu taagan tahay in aanu imika wixii ka dambaysa lagu halayn Karin dawladan Siilaanyo Somaliland, maxaa yeelay waa arin khatar ah oo nagu soo socota. Intii dawladani timid dalka arimaha dibada way ka seexatay, way shuuqday oo way yaraatay dhaqdhaqaaqii Somaliland loogu raadinayey gooni isku taaga, xidhiidhkii aduunka ee aanu Afrika la lahayn wuu yaraaday, wasaarada khaarajigu hal qof oo qudha ayay ku dhisan tahay waa ninkaa aad aragtay ee iska jawaabaya, isagoo waxan aanu nuxurkiisa fahmina”. |