Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3191

January 20 2013                                                                Rabicil Awal 8,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Baarlamaanka Duuduub Ku Meelmarin Doonaan Xeer Muwaadiniinta Dhoofa Cashuur Xad Dhaaf Ah Ku Jidaynaya Iyo W/Duulista Oo Baayacaya Xildhibaanada

Hargeysa, January 20, 2013 (Haatuf) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inay meel mariyaan xeer muwaadiniinta la dhoofaya Madaarada lagaga qaadayo lacago xad-dhaf ku ah, xeerkaas oo dhawaan ay xukuumadu usoo gudbisay golaha wakiilada ayaa jidaynaya in qoyska toban qof ka kooban ee Madaarada dalka ka dhoofaya ama ka soo dagaya shuruud kaga dhigaya in laga qaado lacag dhan $100.  Xeekan xukuumadu u soo gudbisay golaha wakiilada oo lagu sheegay xeerka takaaliifta amaanka madaarada oo sharciyaynaya lacagihii qayrul sharciga ahaa ee $10 iyo $3 ee wasiirka duulista iyo shirkada Nasha ka qaadi jireen muddo laba sanadood ku dhaw, ayaa la sheegay in lacagahaasi la musuqmaasuqi jiray, isla markaana aan lagu soo dari jirin miisaaniyada, taasoo shacbiga dhiig-miirad ku ahayd ayaa xilligan ay shacbigu ka werwersan yihiin meelmarinta lacagahaasi xad-dhaafka ah in lagu sharciyeeyo. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ila wareedyo u dhuun-daloola golaha wakiilada ayaa sheegay in xeerkaasi takaaliifta Madaarada golaha wakiilada maanta loo qaybin doono, waxanay ila wareedyadu tibaaxeen in wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi uu dhaqaale ugu adeegsanayo xildhibaanada golahaasi inay duuduub ugu codeeyaan ansixinta lacagahaasi qayrul sharciga ah ee uu jidaynayo xeerkaasi, taas oo la sheegay in gacanta xildhibaanada uu ku baayacayo lacago dhaameel ah inuu ku bixin doono xalaalaynta lacagahaasi ummada culayska ku ah. Golaha wakiilada oo duuduubkii ay ku ansixiyeen miisaaniyadii sanadkan 2013-ka oo aanay wax dood ah ka yeelanin ay ku noqotay fadeexad iyo xilgudasho la’aan habkii bilaa dooda ahayd ee ay ku meelmariyeen miisaaniyada, ayaa wararku sheegayaan in xeerkan cashuuraha ku soo rogaya dadka madaarada ka dhoofaya ay qorshaynayaan in bilaa dood ay ku ansixin doonaan