Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3191

January 20 2013                                                                Rabicil Awal 8,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Inta Aynu Somalia Ka Hadlayno, Somaliland Ayaa Heshiisiin U Baahan”

Gudd. Ku Xigeenka Ururka Xaqsoor

Hargeysa, January 20, 2013 (Haatuf) – Gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Cali Maxamed (Cali Sandule) ayaa sheegay in muddadii ay xukuumada Siilaanyo talada dalka gacanta ku haysay dilalka ka dhacay Gobolka Sool aanay ka dhicin xilliyadii marxuum Cigaal iyo Rayaale madaxtinimada iskaga dambeeyeen. Waxanu tilmaamay in tan iyo muddadii ay Somaliland jirtay ilaa wakhtigan xaadirka ah in labada beeleed ee Isaaq iyo Samaroon oo kaliya danahooda fushadaan, isla markaana cid kale wax loo ogolaan. Gudoomiyaha ururka Xaqsoor waxa kale oo uu sheegay in Saylac khilaafkii ka dhacay ay sabab u ahayd in beesha Ciise degaankoodii xaqii ay lahaayeen lagu duudsiyay, taas oo ku tilmaamay inay keeni karto dhibaato dadka gayaysiin karta beel-beel.

Waxa uu sidaasi ku sheegay gudoomiye ku xigeenka Xaqsoor shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, sidoo kalena waxa uu ka hadlay jiritaanka ururka Xaqsoor iyo arrimo doora oo taabanaya dhinacyo badan   Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “marka u horaysa waxaan leeyahay Ururka Xaqsoor waxa uu u taagan yahay sidii loo aasaasay meel uu ku biirayaana ma jirto, waxa uu ahaa Urur doonayey inuu Somaliland mideeyo bari ilaa galbeed tii ayuu ilaa hadda Xaqsoor u taagan yahay, waxay ahayd arrinkayagu in la hubiyo ujeedada laga leeyahay haday Xukuumada tahay iyo haddii ay shacabka tahayba in la ogaado wax qaybsiga Somaliland in la wada leeyahay  iyo in kale, muddadii ay Somaliland jirtay cid ayaa xukunka isku haysatay tiina waxa ka muuqatay waxa aynu arkayno oo ah wax aan loo diyaarsanayn, Mawqifka Ururkuna wuu jirayaa, waad ogtihiin Saylac dhibaato ayaa dhacday bulshadii deegaankaasi gurigoodii ayaa la hungureeyey, taasina waa xaaraan ayaan leeyahay Somaliland-na waxa kuma joogayso ee Ciise ha loo daayo, Bariga Somaliland mashqicii Siyaasadeed ee Guddoomiyaha Xaqsoor Miiska soo dhigay in lagu guul daraystay iyo Somaliland inteeda kale oo aan fahmin, waxaana halkaas ka soo baxday inaanay Somaliland waxba wada lahayn oo cid gaar ahi danaysanayso oo beelaha Isaaq iyo Gadabuursi dalka haysteen, welina doonayaan inay haystaan” Cali Maxamed (Cali Sandule) waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Inta aynu Somalia ka hadlayno wada hadalada, Somaliland ayaa heshiisiin u baahan, inta  aanay Somaliland  heshiininna cidna ma wada hadli karno, cidna waxba kama dhexayn karaa, haddii Somaliland ay xayndaabkeeda Dawladda ku soo noqon waydana cid waliba waxay noqonaysaa reero, waxaanu Aduunka u sheegaynaa inaad Somaliland soo dhex gashaan oo sida aad Somalia isugu kab kabteen aad Somaliland-na isugu keentaan inta aydaan Somali weyn u gudbin, haddi ay doonan iyaga oo reero ah ayay la hadli doonaan Somalia” Guddoomiye ku xigeenka Xaqsoor Cali Sandulle waxa kale oo uu ka hadlay xaalada dalka iyo intii ay xukuumaddu talada haysay sida ay wax u dheceen, waxaanuu yidhi “Inta dad la dilay labadii sanno ee ay Xukuumadu xilka haysay waxay gaadhayaan ilaa afar boqol oo qof, waa nasiib darro ilaa xilligii marxuum Cigaal ilaa tii Rayaal marka la isku geeyo dadka dhintay ma gaadhayaan boqol qof, waxa jira Gobol dadka habeen kasta lagu laayo oo la yidhaahdo jinbaa dilay, Xukuumada waxaan leeyahay gobol walba falka lagu sameeyo in ciddii ku samaysa lagu baadho, waxaan u arkaa inay tahay xil qarsi dadka la soo qaadayaa, ninkii la soo qaaday ee dhacdadii ugu dambaysay ee Laascaanood in dib loo celiyo weeyaan” Cali Sandulle waxa uu ugu dambayntii ka hadlay mawqifka Ururkooda Xaqsoor waxaanuu yidhi “Annagu weli uma aragno in nalaga adkaaday ururada kale ee hadhayna waxaan leeyahay waxaad noqoteen fardo laga degay oo rarkii laga dhigay, Somaliland-na maanta laba reer ayaa dantii ay lahaayeen fushaday oo ah Isaaq iyo Samaroon”

“Kala baro xukuumadaada”

Ugaas Barde (Jibiiqe)

Mudane Madaxweyne, siyaasi ma ihi, shaqana kama dhigto nin waligiiba mansab siyaasiya doonay, xataa wasiirada xukuumada waxaan ka aqaana Axmed Cabdi Xaabsade, Abiib Diiriye, Xuseen Axmed Caydiid, Geeljire iyo Garaad. Galabtii ciyaalka xaafada ayaan wax u dhigaa waxaanan u galau iyagoo isku asaraaraya Maxamuud Xaashi Cabdi waa wasiirka beeraha iyo maahee waa wasiirka duulista iyo hawada, markaas ayay yidhaahdeen macalinka ayaan waydinaynaa, isaga ayaa ina kala saaraya, markaas ayaan markhaatigii u kala furi kari waayay, markaasaan ku idhi wasiirada xukuumadeena waa inaad kala barataan, si aanay iila yaabin waxaan ku idhi caawa waxaad ka soo shaqaysaan wasiirka u dheer wasiirada xukuumada iyo ka ugu gaaban, wasiirka u buuran iyo ka u dhuuban, wasiirka ugu cas iyo ka ugu madow, wasiirka ugu gadhka dheer iyo ka ugu gadhka gaabanm wasiirka ugu bidaarta weyn iyo ka ugu timaha badan. Intaa ayaan u diray si aan uga faa’iidaysto ardayadu markay soo ogaato.