|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3191 |
January 20 2013 Rabicil Awal 8,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Hogaankii Hore Dallada Sonyo Oo Xilkii Ku Wareejiyey Golaha Cusub Ee Dhawaan La Doortay Hargeysa, January 20, 2013 (Haatuf) - Golihii hore ee Dallada ay ku midoobeen dhalinyaradda ee Somaliland ee Sonyo ayaa xilkii ku waree jiyey golaha cusub ee dhawaan la doortay oo noqonaya Golihii 6-aad ee ay doortaan Dalada ka ay ku bahoobeen Ururada dhalin rada Somaliland ee SONYO. Munaasibada xilwareejinta laba Gole oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa shalay ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay Madax ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Cali Siciid Raygal. Gudoomiyaha Gudiga maamul wanaaga iyo la daalanka musuqmaasuqa Axmed Maxamed Madar, afhayeenka madax tooyada, mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin shirkada ganacsiga, Ugu horey waxaa munasibaasi ka hadlay Gudoomiyhii hore ee dalada Ururada dhalin yarada Somaliland ee Sonyo Maxamed Cabdi wacays, waxaanu ku dheeradda waxqabadkoodii mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayey waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaaanu kor u qaadnay dakhliga ay ku shaqaynayso Daladu waxaananu ku guulaysanay inaanu xafiiska ku soo xidhno hay’ado badan oo cagan saar la yeesha xafiiska Dalada, intii aanu xilka haynay waxaanu helnay taageero daboosha qaybka mida baahiyaha kharashka ee dalada taas oo muhiim u ah hergalinta himilada in la helo barnaamijyo lagu dhisayo Ururada Dalada, mudadii aanu xilka haynay waxaa mashaariic helay 16 Urur oo ka mida Ururada Dalada ,Waxaanananu xoo jinay xidhiidh aan la lahayn dhalin yarada anago ugu tagnay gobolada iyo dagmooyinka”. Sidoo kale Gudoomiyihii hore ee dalada Ururada Somaliland ee SONYO waxaa uu sheegay inay ka hawl galinyeen isku xidhka dhalin yaro ka shaqeeya wadamada qaar sida London,sudan Ethipia iyo Kenya ku waa soo uu sheegey inay SONYO ku leedahay dhalinyaro ugu shaqeeya si muwadac nimo ah oo toos ah waxaanu gudooyihii hore Daladu intaa ku daray xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumada”xidhiidhka u dhexeeya xukuumada iyo SONYO oo runtii gaadhay halkii ugu sareysay taasinay waxay keenta madaxweynaha Somaliland u garto in dadaalkasta oo horumarneed oo kadka ka socda sonyo ka mid noqoto”. Gudoomiyaha Cusub ee Dalada dhalin yarada Somaliland ee SONYO Mubaarik ismaciil Taani ayaa markii xilka lagu wareejiyey ka dib halkaas halkaasi qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey isagoo sheegay inay guntiga u adkaysan doonaan sidii ay horumar u gaadh siin lahaayeen Daladaasi Guddoomiye Mubaarik isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Waxa ugu weyn ee la tabayaa waa barnaamijyo tayeysan oo lagu awoodaynayo Ururada Dalada ay Ururada Qaranka Somaliland ku bahoobeen yagleelka dhisme ay dalada Qaranka Somaliland yelato oo leh dhamaan kaabayaashii daruuriga ahaa ee loo baahnaa waxa kale oo loo baahan yahay in la waa jaho dhibaatooyinka haysta dhalin yarada Somaliland ee ay ugu horeyso shaqo la’aanta iyo tahriibtu” Gudooyiyaha cusub ee Dalada SONYO waxa kale oo ka dhawaajiyey inay qaban doonaan Golahoodu shir wayne laga arinsanayo shaqo la’aanta dalka ka taagan iyo masiibooyinka kale ee ay ka mid ka yihiin qabyaalda iyo balwadaha kale.Wasiirka wasaarada dhalin yarada iyo ciyaara Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka soo qabgalay xaflada ay xilka kulak ala wareegayeen ayaa u mahad celiyey dalada Golaha uu xilkoodu dhamaaday isagoo sheegay inay wada shaqayb fiican lahaa yeen mudadii uu xilka hayey isagoo sidoo kale oo dhawee yey golaha cusub ee xilka la wareegay waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Ana wasaarad ahaan waxaa naga go’an sidii aanu kuwii horeba ula shaqaynaynay inaanu ku wan aula shaqayno wasaarada dhalin yaradu waxay wakiil ka tahay dhamaan dhalinyarada Somaliland waa dalada guud ee ay dhalin yarada ku abtirsato waxaananu balan qaadaynaa inaanu sidii horeyba aanu ula shaqayn jirnay iyo sidkasii badanba ula shaqayno” Sidoo kale wasiirku waxa uu kula dar daarmay inay qabyaalada iyo qof jeclaysiga“qabyaalada cida la dagaalami karta ee baabiin kartaa waa dhalin yarada laakiin haday igagii qabyaalada abuuraan wax xukuumad iyo cid kale toona waxka qab karaan maaha waana ko kow ka ah waxaan idin kala dar daarmayo qabyalada waayo waa shay aan mustaqbal lahayn” Wasiirku ciyaruhu waxa uu intaa ku daray inay ciyaarihii Goboladooda dibu dhacooday ay dhalin yaradu ka masuul ahaayeen waxaanu yidhi “Imika ciyaarihii sanadkan Gobolada somaliland loo qaban lahaa dibaa loo dhigay dibaynu u dhignay sifo kasta ha noqdaane waxaa laga yaa dhibaatooyinka ugu badan ee laga qaban kari waayey inay dhalin yaro keentay waa wax aad loola yaabo markaa waxyaabaha aynu u baahan nahay in wax laga qabto oo aan u tabaabul shaysano waa waxaa weeye hadii aanay dhalin yaradu fahmin horumarkii iyo qabyaaladu waxay tahay wax inoo qabsoomayaan ma jiraan”. Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay dhalinyaradu tahay ta ugu badan ee ka haywgasha saxaafada taas oo uu sheegay inay inayna inayna xaqiiqda ku salayn waxay qorayaan. |