|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3191 |
January 20 2013 Rabicil Awal 8,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kulan Lagaga Hadlayay Tayaynta Tacliinta Sare Oo Jaamacadda Gollis Soo Qaban-Qaabisay Oo La Soo Gaba-Gabeeyey Iyo Wasiirka Qorshaynta…. Hargaysa, January 20, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maalintii doraad ee Jimcaha soo xidhay Kulan lagaga hadlayey Tayeynta Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ay Jaamacadda Gollis soo qabanqaabisay, isla markaana mudo laba maalmood ah ka socday Hutelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Kulankaas shalay la soo gabo-gabeeyey ee ay Jaamacadda Gollis gadhwadeenka ka ahayd ayaa waxa soo qaybgalay masuuliyiin matalayey haldoorka Jaamacadaha dalka sida Jaamacadda Gollis ee iyadu Siminaarkaas hogaaminaysay, Jaamacadaha Hargeysa, Burco iyo Camuud, kuwaas oo aqoon iswaydaarsigaas ku falanqeeyey qaabka lagu horumarinkaro Waxbarashada Sare ee dalka, isla markaana figradahooda isku dhaafsaday halkaas ugu horayn waxa madashaasi hadal kooban oo iskugu jira mahadnaq iyo nuxurka figradaha kulankaas ka soo baxay Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr Siciid Axmed Xasan, kaas oo tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la tayeeyo Tacliinta Sare ee wadanka isla markaana lagu barto jaamacadaha, waxaanu ka qayb galayaashii u rajeeyay in Mudadii labada cisho ahayd ee Kulankani socday Waxyaabihii ay ka barteen ay uga faa’iideeyaan da’a yarta ay wax baraan. Sidoo kale Qaar ka mid ah Aqoon yahanadii Kulankan ka qayb qaadanayey oo Madashaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inay ka midaysan yihiin Sidii ay u Tayo gelin lahaayeen Jaamacadaha ay wax ka dhigaan, iyaga oo intaas ku daray in Jaamacadaha dalka looga baahan yahay sidii loogu qiimayn lahaa Aqoonta ay fidiyaan Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Gunaanadkii Munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay ayaa waxa uu ku dheeraaday sida Jaamacadaha wadanka looga baahan yahay sidii ay tartan ula gali lahaayeen Jaamacada dunida, waxaanu sheegay in waxa qudha ee arrintaas suurto galinayaa ay tahay sidii loo tayo gelin lahaa aqoonta Waxbarasho ee Jaamacadaha Somaliland. Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu gaba gabadii Shahaado Sharafeedyo Gudoonsiiyay Mas’uuliyiin ka socday afarta jaamacadood ee kulankan labada cisho qaatay ka qayb qaatay. |