Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3191

January 20 2013                                                                Rabicil Awal 8,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nadaafadda Iyo Daryeelka Biyaha

Sheekh Jaabir, Herbalist

Biyuhu waa furaha nolosha, kamana maarmi karo wax kastoo noole ahi waxaanu rabbigeen inoo sheegay in shay kastoo nool laga abuuray biyo. Xidhiidhka wayn ee aadamuhu la leeyahay biyaha awgeed ayaa maanta qormadeenan caafimaad kaliftay in aynu soo qaadano mawduucan caafimaadka biyaha. Waxaa aadamuhu isku raaceen in caafimaadka biyaha qodobka ugu horeeya ee markaaba lasoo qaataa uu yahay inay biyaha la cabaa ahaadaan nadiif 97% sababtoo ah sida lagu helo ayaa adag kuwo intaas ka tayo fiican,waxaa kale oo iyadna soo raaca qodobka labaad inay dheeli tirnaadaan macdanaha iyo kiimikooyinka la socdaa,waxaana ugu qaalisan biyaha roobka ee rabbigeen inoo sheegay inay barakaysan yihiin inta aanay wali dhulka taaban,waxaana kuwaas kasii qaalisan oo kaliya biyaha samsamka ee iyagu dawada ah. Qofkasta waxa caafimaad qabkiisa guud halbawle u ahi waa kolba biyihiisa cabitaan sida ay nadiif u yihiin, nolosheena soomaaliyeed iyo dhulkan aan ku nool nahay ee soomaaliland waxaa lagu tiriyaa dadka ku tiirsan biyaha roobka iyo kuwa dhulka laga qodo,waxaana 80% usii badan biyo roobaadka taasi oo marka jiilaal dhaco ee biyaha baliyada iyo baraaguhu gudhaan waxaa lagu noolaan jiray kuwa ceelasha dhaadheer ee dhulka laga qodo. Noloshii barigaas intii ka horaysay 1985 waxaa qulqulka biyaha ee dhulku sameeyo marka roobku da,o laga heli jiray biyo nadiif ah 79% sida ugu dhaw,balse intii waqtigaas kor ku xusan ka danbaysay ilaa maanta waxaa isasoo dhimayay tayo fiicnaanta biyaha cabitaan ee galaya haraha iyo baraagta. Sida kormeer iyo u kuur gal ay ku sameeyeen dad arrimahan isku hawlaa waxaa ay ka dayriyeen halka maanta ay marayso nadaafada guud ee biyaha laga cabo dhijaamaha iyo balayada qulqulka fog ay ku yimaadaan biyaha roobku,waxaana marka aad arrintan usii fiirsato aad fahmi kartaa in fiditaanka magaalooyinka iyo qashinka ku baahay miyi iyo magaalaba uu calaamad u yahay sida dhibta yar ee daadku u qaadi karo isla markaana u gaadhsiin karo meel fog. Dadka reermiyiga ah ee nolosha noocan ah lasoo daristay waxay sheegeen in marka ay dhoobo qaadayaan balayadooda ay ku arkayeen waliba shantii sanno ee u danbeeyay qashin magaalo oo meel uu kasoo galay aanay garanayn harahooda sida bac ama daasad.

Nasteexo ahaan waxaan halkan kaga faaiidaysanayaa inaan usoo jeediyo qolooyinka leh warshadaha biyaha sufeeya oo runtii dedaalay kaalin mug lehna ka qaata inay biyaha la cabayo nadiif iyo tayo kusoo kordhiyaan. waa inay ku daraan wax ka qabadka iyo daryeelka lagu basrinayo caagadaha biyaha laga cabo ee marka qudha la isticmaalo kuwaas oo meel walba daadsan aadna loo isticmaalo hadana ah kuwan khatarta nooceeda disha dhulka iyo dhitaba deegaankana u horseeda xaaluf iyo baaba,a waxaana maanta habboon in warshadlaydaasi ku talaabsato sidii ay odhan lahaayeen farsamo ahaan haday doonaan haba yidhaahdaan qofka shan caagadood oo aan leenahay noo keena waxa uu leeyahay xabad bilaash ah waa farsamo lagu kasban karo in qashinka kaantaroolkiisa. hadii meel walba caagadaada magacaagu ku qoran yahay yaalo waa kugu ceeb dhibaatada ka dhalatana adaa masuul ka ah waana iga nasteexo qudha tani aan rabbo inay noqoto waajib qaran oo ina wada saaran dhawrista deegaanku.

Carrada dhulkeenan oo lagu tilmaamo carrooyinka todobada  ah ee aduunka ugu fiican inay koobsatay kana mid tahay waliba lix goobood oo aduunka ka tilmaaman ayaa waxaa rabbigeen ku manaystay inay la dagaalanto jeermis fara badan oo cuduro ka dhashaan dhulalka kale.

Waxaana waliba dhulkeena ku jira dhagaxaan naadir ku ah golobka caalamka oo rabbigeen sarreeye ugu talo galay inay biyaha nuugaan kadibna soo daayaan iyagoo nadiif ah oo shaandheeyay wixii wasikh ahaa ee aan ku habboonayn in la cabbo. Nidaamka ay biyo ku ahaan karaan kuwo caafimaad qaba waxa ay si wayn ugu xidhan tahay kolba dhaqanka qofku sida uu yahay,waayo waxaaba farqiga keenaya isku quudhka biyaha aad cabayso noocooda,taasi oo hadii naftaadu raali ku noqoto inaad cabto aad cabayso noocay doonaan ha ahaadaane. Waxaa khattar aan loo badheedhi karin ah inaad isku biimayso biyo aanad hubin sida ay nadiif u yihiin, cudurada ku dhaca caloosha waxaa badankooda loo aaneeyaa isticmaalka biyo aan nadiif ahayn, waxaanad arkaysaa in waliba caruurta yaryar ee aan lagu dadaalin sidii ay u cabi lahaayeen biyo nadiif ah ay had iyo jeer ka xanuun badan yihiin kawa iyagu hela biyo nadiif ah. Waqtiga isbadalaya iyo dhaqanka guuray iyo kan soo kordhay waxay si wayn uga qayb qaateen wasakhawga biyaha la cabo,waxaynu tusaale usoo qaadan karaa bal eeg weelkii dadkeenu barigii hore ku cabi jireen biyaha iyo kan maanta la isticmaalo,markaaba farqiga u dhexeeya labada  weel ee kuu muuqanayaa waxa weeyi, waxaabad is odhan kartaa dhiishii birta ahayd ayaa ka tayo iyo caafimaadba fiicnayd jiraykaankan caaga ah ee afka yar leh, waayo waxaa la ogyahay shay kastoo afyar oo cadceedana ka qarsoon waxaa hoostiisa ku samaysma jeermis fara badan oo xayaabo galeen ah, isla markaana hadii aanay gacantu galayn bal iswaydii maxaa soo maydhaya?, runtii waad fajacaysaa marka aad aragto weelka aynu qabatinay ee ugu badan maanta xaga biyo dhaansigu wuxuu noqday jirikaankaas xattaa maydhigiisa guduhu sidaas u adkaaday ee yar iyo wayn laga cabayo. Bal hadii wax kale oo lagaga maarmaa aanu jirin miyaanay haboonayn in dhagaaxaan jay yaryar ah inta lagu guro sidaas loogu luxo bal inuu sidaas nadaafad dhaamo ayaa laga yaabaa,waxaana xataa la ogyahay inaan caaga saabuunta taydhu nadiifin,allaah ha inagsoo furto caagagaas maanta maacuunkeenii aan dhaqanka u lahayn badalay,

Isticmaalka weelka caaga ah waxaa lagu gartaa umada mar taariikhdeeda bara kacday ee ka qaxday dhulkeeda,waayo waa weel qaxooti loogu talo galay gargaar dagdag ah, balse inaynu qabatinaa waxa ay duulimaad ku tahay dhaqankeena taariikhda faca wayn iyo sharafta qadiimiga ah leh,waxaana taas wax ka qaban kara ururada bulshada iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka,aniga waa iga soo jeedin balse xidhiidhka uu la leeyahay caafimaadka iyo biyo cabista ayaan usoo qaatay.

Qoyska ka kooban waalidiin iyo caruur waxay u baahan yihiin nidaam ay ku isticmaalaan cabitaankooda biyaha,waxaana waajib ah in la kala saaro biyaha cabitaanka ah iyo kuwa kale ee qoysku u isticmaalayo noloshiisa kale sida maydhiga musqusha iyo dhariga karintiisa.

Waxaan sidaas u leeyahay waa in la ogaado inay reebantahay oo aan la ogolayn inaad musqushaada dhigto baaldi af banaan oo biyo ku jiraan,waa hadii aad haysato caruur yaryar oo ka yar todoba sano jir waxaa weeyi sababtu ma damaanad qaadi kartid inaad albaabka musqushaada had iyo jeer xidhid hadii ilmo yari kuu waydaarto markaas waxaa hubaal ah inuu cabayo,wataas mushkuladi markaas, waxaana habboon in laga tanaasulo,

La soco……….