|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3191 |
January 20 2013 Rabicil Awal 8,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Cadhada Yar Oo La Sheegay In Ay Leedahay Faa’iidooyin Caafimaadka Cadhada yari way wanaagsan tahay haddii sabab wanaagsan loo sameeyo, sida lagu sheegay warbixin. Cadho la’aanta ayaa la sheegay inay keento in duxda ku jirta jidhkoodu kacdo, waxaana ku adkaata qofka in uu degenaansho helon maalintii, balse waxa la sheegay In aan khubaradu hubin in ay taasi ku timaado xaalada jidheed ee qofka Waxa muhiim ka ah ee warbixintan lagu ogaaday waxa ka mid ah, in dadka cadhada yar soo mara aanu kacsanayn duxdooda jidhku aroortii, iyadoo la sheegay in baadhitaano danbe laga samayn doono xidhiidhka ka dhexeeya muranka iyo duxda jidhka, iyo saamayntooda jidhka. Khubarada Jaamacada California ayaa baadhitaano ay ka sameeyeen sida cadhadu u saamayso go’aanka, oo ama qofku u gaadho go’aan degan ama u qaato mid lagu degdegay, waxau sheegeen in ardayda wax la weydiiyey iyagoo cadhaysan ay ka tilmaamid wanaagsan yihiin kuwa aan cadhaysnayn, halka kuw awax la weydiiyey iyagoo aan cadhaysnayn aanay sida ugu haboon ama go’aanka ugu macqulsan gaadhin Ugu danbayn waxa lagu sheegay baadhitaankaa in cadhadu ka caawiso dadka ka caawiso waajahaada halka eelku yahay, iyo qaadshada go’aamada ku haboon, taasoo samaynta ugu weyn ay ku sheegeen in marka qofku cadhoodo ay ku jihaysmo qofku inuu wax qabto, tasina u sahlayso abaarka halkuu baahida ugu weyn u qabay, ama gaadhida go’aankii ugu macquulsanaa. Balse dadka islaamka ah waxay diinteenu inoo sheegtay in qofku marka uu cadhoodo loo baahan yahay in uu hadba xaalada uu ku jiro iska bedelo, oo hadii uu taagan yahay fadhiisto, shaydaankana iska naaro, maxa yeelay waxa keena shaydaanka. |