Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3191

January 20 2013                                                                Rabicil Awal 8,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Manchester City Oo 2 Iyo 0 Kaga Talaabsatay Fulham Iyo David Silva Oo Muujiyey In Kooxdiisu Ku Dhawaato Man United

Kubadsameeyaha reer Spain David Silva ayaa laba gool u dhaliyay Manchester City oo 2-0 kaga talaabsatay kooxda Fulham oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium. Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingariiska ayaa hogaanka ciyaarta qabatayba ciyaarta oo labo daqiiqo socota, Karagounis ayaa kubada si sahlan isaka dhiibay, Dzeko ayaa kubad la beegsaday goolka, goolhaye Mark Schwarzer ayaa waxa kaliya uu sameyn karay waxa ay aheyd inuu bixiyo, David Silva ayaana helay oo dhinac ka geliyay kubada goolka. Fulham ayaa u soo dhawaatay inay hesho goolka barbaraha daqiiqadii 31aad markii karoos cajiib ah uu keenay Duff waxaana ay u muuqatay in Sidwell uu madaxa la helayo laakiin Zabaleta ayaa ka qasay kubaduna banaanka ayay u baxday.

Inkastoo City ay si dardar leh ciyaarta ku bilaabantay hadana inta badan qeybta hore ee ciyaarta waxa ay u muuqatay mid caajis ah waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Sky Blue. Manchester City ayaana hogaanka ciyaarta sii dheereysatay daqiiqadii 69aad markii Silva uu kubad si cajiib ah u dhameystiray isagoo caawin ka helay Tevez, waana goolkii labaad ee David Silva ee ciyaarta. Daqiiqad ka dib Silva ayaa ku dhawaaday inuu seddexleydiisa buuxsado markii Javia Garcia uu kubad u dhex bixiyay laakiin dadaalkii Silva ayaa keentay inuu kubada banaanka mariyo. Manchester City ayaana waxaa farxad ugu sii filnaa Sergio Aguero oo garoomada ku soo laabtay ka dib dhaawac uu la maqnaa isagoo dhamaadkii ciyaarta bedelay Carlos Tevez, waxaana ay City ku badisay 2-0, inkastoo fursad gool loo fishay uu dhamaadkii ciyaarta ka qasaariyay Edin Dzeko. Manchester City oo gaadhay guul ay u qalantay ayaana haatan ku dhawaatay kooxda hogaanka haysa ee Manchester United iyagoo u jira 4 dhibcood, inkastoo Man United ay berri marti u tahay Tottenham.