|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3191 |
January 20 2013 Rabicil Awal 8,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Koobka Qaramada Qaarada Afrika Oo Furmay Iyo Dalalka Koonfur Afrika Iyo Cape Verde Islands Oo Bareeyeeyey Koobka qaramada Afrika ayaa shalay si rasmi ah uga furmay dalka Koonfurta Afrika, iyadoo kulankii ugu horeysay lagu furay xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika iyo xulka ugu yar xulalka ka qeybgalaya Cape Verde Islands. Ciyaartii ugu horeysay ee kulankaas oo labada xul oo ka wada tirsan Group A ayaa waxa ay ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo South Afrika oo ay caawinayeen taageerayaashooda tirada badan ee garoonka Soccer City ay ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato xulka ay ugu horeyso inay koobkan qaramada Afrika ka qeyb galaan. Cape Verde ayaana waxaa soo martay labo fursadood oo fiican oo goolal ay ku dhalin kareen halka xulka South Afrika oo liidatay ay heshay hal fursad fiican dhamaadkii ciyaarta, waxaana ay ku bilowdeen si niyadjab ah iyagoo ka maqnaa labadii koob ee ugu danbeysay ee qaramada Afrika. Soccer City oo lagu furay ciyaaraha qaramada Afrika ayaana turumbada garoonka waxa ay dhamaadkii ciyaarta isku badeshay in taageerayaasha ay ku ooriyaan xulka Bafana Bafana. Shacabka reer South Afrika ayaa intooda badan u texgelinayay Cape Verde xulka ugu sahlan ee ay wajahayaan Group A, waana ay ku farxeen marka ay isku soo aadeen. Laakin Cape Verde waxa ay ku jirtaa qiimeynta adduunka 70 halka South Afrika ay ku jirto 85 taasoo ku tusineysa in natiijadii maanta aysan xaqiiqdii aheyn lama filaan. Kulanka labaad ee Group A ayaa waxaa xilli dhow wada ciyaari doona xulalka Angola iyo Morroco, iyadoo haatan Cape Verde oo si lama filaan ah dhibic uga heshay South Afrika ay wada leeyihiin min hal dhibic. |