Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3191

January 20 2013                                                                Rabicil Awal 8,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Xukuumada Obama ee dalka Maraykanku waxay Muujisay cadawtinimo hor leh oo ay ku mijo xaabinayso qadiyada gooni isku taaga Somaliland, xasiloonida iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ay Somaliland iskeed u tabcatay, sidaas darteed waxaanu shacbiga Somaliland usoo jeedinaynaa arimaha Hoos ku qoran:

 

Waa in Banaanbaxyo Balaadhan oo lagu diidan yahay laguna dhaleecaynayo siyaasada Maraykanka ee ku aadan Somaliland si degdeg ah looga sameeyaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

Waa In Degdeg loo joojiyaa iskaashiga dhinaca amniga ah (Security & Intelligence Cooperation) ee ay Somaliland la leedahay Maraykanka iyo Dalalka kale ee Reer Galbeedka, lana adkeeyaa midnimada gudaha oo turxaan bixin laga yeeshaa xanafihii ay doorashada golayaasha deegaanku inagaga tageen, isla markaana wada hadalo lala yeeshaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee Qiraya xaqa shacbiga Somaliland u leeyahay inuu aayihiisa ka tashado.

 

Waa in Dalka Loo Ogolaan  inay soo booqdaan Saraakiil ama Masuuliyiin Darajadoodu hoosayso oo Maraykan ah gaar ahaan kuwa sheeganaya in xukuumada iyo hay’adaha Maraykanka u qaabilsan yihiin arimaha Somalia, haday soo dirayaan xubno sarsare oo sifa kale oo ta kor ku xusan ka duwan ku imanaya mooyaane.

 

Waa in Qurba-jooga Somaliland, Gaar ahaan kuwan ku nool USA iyo UK iyo wadamada Ururbta Galbeed ee kale ay arimahan xidhiidh joogto kala yeeshaan warbaahinta dalalkooda, Xildhibaanada Baarlamanka iyo Siyaasiyiinta waaweyn ee wadamadaasi si ay ugu iftiimiyaan siyaasada Siyaasadan Maamulka Obama kula dhaqmayo Somaliland ee khatarta galinaysa danaha dawladaha reer Galbeedka iyo ta mandaqadaba.

 

Waa in Baadhitaan Cilmiyeysan loo galaa kaalintii dawlada Maraykanku ku lahayd Xasuuqii uu taliskii Siyaad Bare u geystay shacbiga Somaliland xiligii 80-tamaadkii oo arintaas caalamka loo soo bandhigaa.

 

.Waa in la joojiyo wadahadalada Somaliland iyo Somalia isla markaana aan sinaba looga qaybgalin shirka London ee ku saabsan Somalia ee bisha May 2013 lagu qaban doono London, Waliba waan in Gurba Jooga reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku nool UK iyo Yurubta galbeed iyaga oo ka faa’iidaysanaya shirkaa ay isu diyaariyaan sidii ay ugu yaraan saddex banaanbax oo ay ku diidan yihiin siyaasada Maraykanka ay uga samayn lahaayeen agagaarka Xarunta Baarlamaanka, Xafiiska David Cameron iyo Goobta shirka lagu qabanayo.

 

Waa in La Joojiyaa ku camal falka heshiiskii Schelles ee ku saabsanaa Budhcad Baddeeda oo budhcad baddeeda ku xidhan Somaliland ee aan wax dambi ah ka galin biyaha bada Somaliland gudahooda lagu celiyaa Schelles ama inta balan qaad laga saxeexo inaanay wax falal budhcad baddeednimo ah ku kicin mustaqbalka Xabsiga laga sii daayaa oo deegaanadoodii la gaadhsiiyaa.