|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3192 |
January 21 2013 Rabicil Awal 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xil. C/Raxmaan Xoog Iyo Masuuliyiin Kale Oo La Sheegay Inay Wada Shaqayn La Leeyihiin Xukuumada Somalia Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay bilaabeen inay xidhiidho qarsoodi ah oo wada shaqayn ah la yeesheen xukuumada Somalia, gaar ahaan wasiirka arrimaha dibada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Daakhliliga Cabdikariin Axmed Guuleed, Kuwaas oo olole dagaal kula jira dawlad-nimada Somaliland. 11-kii bishan ayay ahayd markii xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog uu garoonka diyaaradaha ee Berbera ugu tagay wasiirada arrimaha dibada Somalia oo Transit ku ahayd diyaarad markaa garoonka ku hakatay, iyadoo usii jeeda Xamar halkaas oo la sheegay in Mudanuhu wakhti ilaa 20 daqiiqo ah uu kula faqayey Wasiirada Diyaarada Gudaheeda. Kulankan oon ahayn mid kadis ah balse u ekaa mid la sii qorsheeyey ayaa waxa la sheegay inay ka wada hadleen hawlo uu Cabdiraxmaan Xoog u fulin doono xukuumada Somalia. Cabdiraxmaan Xoog ayaa hore warbaahinta si dhiiran ugu difaacay uguna taageeray Magacaabidii Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan inay noqoto Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia. Maamulka Xamar ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la ogyahay dhaqdhaqaaqyo uu kula soo xidhiidhayo shakhsiyaad reer Somaliland ah oo isugu jira ganacsato, masuuliyiin dawlada hore ugu shaqayn jiray iyo Salaadiinba, iyagoo qaarkood ku sasabanaya xilal iyo qandaraasyo yaryar oo loo balan qaado si ay Somaliland dhexdeeda ay xukuumada Xamar uga soo qabtaan shaqooyinka ay halkan uga baahan tahay oo ay ka mid yihiin qaar kharbudaad iyo jahawareerin ah oo lagu minjo xaabinayo qaranimada iyo degenaanshaha Somaliland. |