|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3192 |
January 21 2013 Rabicil Awal 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Goldaloolooyinka Ka Muuqda Xeerka Takaaliifta Madaarada Ee Xukuumada Siilaanyo Ay Usoo Gudbisay Wakiilada Iyo Qodobada Mugdiga Ku Jira Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) –Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay loogu qaybiyay xeerka takaaliifta madaarada Somaliland oo xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay usoo gudbisay, kaas oo muwaadiniinta Somaliland ee ka dhoofaya ama ka soo dagaya madaarada dalka waajib kaga dhigaya in lacag cashuur ah oo dhan $10 laga qaado. Xeerkan qabyo qoraalka ee xukuumadu ay soo curisay oo ka kooban sagaal qodob, ayaa lagu abuuray hay’ad cusub oo lagu magacaabo hay’ada duulista hawada Somaliland (Somaliland Civil Aviation Authority (SCAA) oo loo xilsaaray maamulka iyo maaraynta duulimaadyada Somaliland, taas oo lagu Cadeeyey qodobka 5aad ee gacan ku haynta adeegyada iyo ururinta takaaliifta. Qodobka 4aad ee takaaliifta ayaa sidan u dhigan:- Waxaa ku waajiba dhoofe kasta oo sita tikidh diyaaradeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliifta lacageed oo dhan $10. Qodobka 8aad ee xeerkan ayaa awood loogu siiyay wasiirka duulista hawada inuu soo saari karo xeer nidaamiye, balse aan lagu faahfaahinin xeerka nooca uu noqon doono xeer nidaamiyahaasi iyo heerka maamul ahaan uu gaadhsiisnaan doono, balse ay haboonayd in mugdiga laga saaro xeer nidaamiyaha hadaan wax lagu muusaynayn hadhowto marka uu dhaqan galo. Qodobka 6aad ee ururinta iyo qaab xisaabeedka takaaliifta oo lagu sheegay in loo raacayo xeerarka maaliyada dalka, oo aan ilaa hada la samaynin, ayaa bixinta kharashadkaasi iyo jaangoyntooda awood siman loogu siiyay wasaradaha maaliyada, duulista hawada iyo shirkad aan magaceeda la sheegin, balse lagu sheegay shirkada gacanta ku haysa lacagtaasi. Dhinaca kale xeerkan takaaliifta ayaan lagu cadaynin dhaqaalaha ka soo xerooda lacagta $10 ee laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada in miisaaniyada iyo qasnada dawlada ay ku soo dhacayso dakhliga ka soo xerooda lacagahaasi, oo muddo dheer ay musuqmaasuqayeen wasiirka duulista hawada iyo shirkada Nasha, taasoo ilaa hada aan la ogayn boqolaalka kun ee dollar ee ka soo xerooday lacagahaasi $10 ee la qaadayay halka lagu isticmaalay, maadaama aan saddexdii miisaaniyadood ee ugu dambeeyay 2011, 2012 iyo 2013-ka. Golaha wakiilada oo iyagu awood distoori ah u leh dajinta iyo wax ka badalka shuruucda maaliyada ayaa iyagu ku guuldaraystay inay sameeyaan xeerkii guud ee maaliyada dalka ee loo raaci lahaa hay’adaha ku shaqada leh dakhiliyada soo xerooda iyo nidaamka loo raacayo tacriifadaha, taas oo distoorku dhigayo in xeer qeexi doono habka loo dajinayo shurucda maaliyada. |