Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Qadiyadda S/Land Maraykan Ma Maamulo Ee Ummada Ayuu Go’aankeedu Ka Go’aa, Mawqifkaas-Na Xukuumadda Talada Haysa Iyo USA Midna Ma Badali Karaan”

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa go’aan micno-daro ah oo aan wax saamayn ah ku yeelankarin bulshadda Somaliland ku tilmaamay go’aankii Maraykanku ku aqoonsadeen dawladda Somalia ee uu hogaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sheegay inaan mawqifka gooni isku taaga ee dalkan aanay badali karin Maraykanku. Suldaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay in mar uu Haatuf xalay khadka telefoonka ugu waramayey isaga oo Hargeysa ku sugan, kaas oo difaacay mawqifka gooni isku taaga Somaliland oo uu ku dooday in bulshadda wadanka oo kaliya ay wax ka badali-karaan, isla markaana shacbiga ugu baaqay inaanay ku jaha-wareerin arinta ictiraafka Somalia ee Maraykanka ku dhawaaqay. Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed waxa uu sidoo kale xukuumadda uga digay inay doorasho danbe oo bilaa diwaangalin ah dalka ka qabato mudada ay talada haysa, kaas oo khilaafyadii iyo muranadii doorashadii deegaanka ka dhashay ku sifeeyey inay diwaangalin la’aantu keentey, isla markaana xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay sidii diwaangalin rasmi ah ay u samayn lahayd. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya, saamaynta aqoonsiga Maraykanku u fidiyey Somalia uu ku yeelankaro Madaxbanaanida Somaliland, waxa uu yidhi “Wax ay inaga ina yeelayo Ictiraafka uu Maraykanku ictiraafay Somalia, laakiin inaga waxa inala gudboon uun inaynu danteena garano oo wada-hadalo ayaa la filayey inaynu dhawaan la yeelano Somalia, isla markaana sida uu markii la doortey uu sheegay Madaxwaynaha Somalia-na waxa uu xusay inaan cidna xoog iyo khasab iyo afduub inaan cidna lagu qabsan karin, waxaanan filayaa wixii wada-hadalkaas ka soo baxa ayuun baynu ka go’aan qaadan doonaa oo ay arintu ku soo afjarmaysaa. Maraykanku hadii uu leeyahay arimihii Somaliland waxaan kala xidhiidhayaa Somalia run ahaantii saamayn ayey inagu yeelanaysaa oo waxay noqonaysaa faro-galin, arintaasna xukuumadda ayuun bay tahay inay jawaabta rasmiga ah ee ku haboon inay ka tidhaahdo”. Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey dareenka shakiga leh ee ay bulshadda Somaliland ka bixiyeen go’aankaas Maraykanku ku dhawaaqay inuu aqoonsaday Somalia, waxa uu yidhi “Aniga wax laga sasaa iima muuqato, Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar inaad dhagaysanaysay iyo kale garanmaayee markii Maraykanku ku dhawaaqay arintaas markiiba jawaab celin ayuu ka bixiyey isaga oo afka xukuumadda Somaliland ku hadlaya. Waxaanu sheegay inaanay Somaliland waxba ka khusaynin waxa uu Maraykanku Ictiraafayo, Qadiyadda iyo arimaha Somaliland-na Maraykan ma maamulo ee inaga ayuu go’aankeedu inaga go’aa oo gooni isku-taageena gaar u go’aansanay. Bulshadda Somaliland waxa aan leeyahay iska daaya guuxa iyo shakiga cid ina khasbi kartaa ma jirto’e, hana ilaawina in bulshadda Somaliland cidhif ilaa cidhif ay mawqif cad qaadatay markii ugu horaysay, mawqifkaasna wax badali karaa ma jiro oo xukuumadda talada haysaana ma badali karto, Maraykana ma badalikaro, isla markaana shacbiga reer Somaliland ayuun baa badelikara oo mawqifkaas ka noqonkara, markaa waxaan leeyahay shacbiga waxba ha isku mashquulina oo ha ka sasina arimahaas Maraykanka iyo Somalia shaaciyeen, cid aan Ilaahay ahayn oo wax ina yeelikartaana ma jirtee taas ogaada. Mida kele marka dhinac laga eego inaga wakhtiganba cid ina aqoonsani ma jirto, hadana dunidu way ogtahay meeqaanka ay Somaliland ku gaadhay 21-kii sano ee ay goonida u taagnayd oo cid iska indho-tirikaraa ma jirto”. Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey cawaaqibkii ka dhashay doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii November ee sanadkii hore iyo wixii laga bartey “Xukuumadda talada haysa waxa la gudboon si looga gudbo muranada iyo khilaafyadii ka dhashay doorashadii deegaanka inay Diwaangalin rasmi ah samayso, maadaama oo doorashooyinkii Baarlamaanka iyo tii Madaxwaynuhuba ay dhawyihiin. Mida kale Muranadii iyo Khilaafyadii ka dhashay dorashadii deegaanku dalka khatar ayey galisay oo shacbiga ayuun baa badbaadiyey oo ku dhabar-adaygay Nabadgalyada dalka”