Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gudoomiyaha Hay’ada Miino Saarka Qaranka Oo Halo Trust Dhinac Uga Leexiyey Eedo Loo Jeediyey, Kana Xog Waramay Hawlaha Ay Wada Qabtaan

Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha hay’ada Miino Saarka Qaranka, Axmed Kanadi ayaa sheegay inuu raaligalin ka bixinayo eedo hay’adoodu u jeedisay Halo Trust, kaas oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey hawlaha wada shaqayneed iyo gacan saarka ay leeyihiin hay’adaasi. Mr Kanadi ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay Xafiiskiisa ugu waramayey Wargeyska Haatuf, kaas oo intaasi ku daray in Halo Trust ay gacan buuxda ka siiso hay’ada Miino Saarka Qaranka dhinacyada Tababarada, Aqoonta iyo farsamada oo ay hadda u samaysan yihiin Afar Kooxood oo qaranka arimaha Miinada uga shaqeeya. Isagoo arimahaasi faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi “Waxaanu raaligalin buuxda Siinaynaa hay’ada Halo Trust iyo hay’adaha kale, Hay’ada Miino Saarka Qaranka (NDA) waxay mudo laba sanadood iyo badh ay ku shaqaynaysay oo ay gacan buuxdana ka helaysay hay’ada Halo Trust, iyadoo ka kaabtay xagii tababarada, aqoonta, farsamada, saakana ay u abuuran yihiin afar Tiim oo ku jira inay qaranka arrimaha miinada uga shaqeeyaan, taasina waxa ay Ilaahay Mahadii ku suuragashay gacan buuxda oo ay naga siisay hay’ada Halo Trust, anigoo waliba halkan Halo Trust aad ugu amaanaya waxqabadkii ay qaranka u qabatay iyo hay’ada Miino Saarka Qaranka, taas oo ay naga caawiso mushaharooyinka shaqaalaha, gunada, raashinka iyo daawada, isla markaana sanad walba marka uu dhamaado bisha December siisa xaq wixii ay u lahaayeen, hadii ay dhacdo inta ay hawlgalka ku jiraan oo shir (accident) uu ku yimaado sida heerka caalamiga ah Halo Trust waxay xaq u leedahay inay xuquuqdiisii oo dhan bixiso, waxaananu si wada jir ah anaga oo hal koox ah NDA iyo Halo Trust oo gacmaha is haysta aanu dalka uga wada fulinaa hawlaha miino saarka qaranka, wacyigalinta, sahaminta iyo burburinta wixii la helo. Hadii aan sanadkii ugu dambeeyey ee 2012-ka aan ka soo qaado NDA iyo Halo Trust waxay wada fuliyeen ama ay sifeeyeen 2.8 million Mitir oo isku wareeg ah, waxay sanadkaa heleen 149 miino oo B4 ah ama antiperson iyo anti-tank ah, waxay 1,580 xabo oo waxyaabaha qarxa ah, taas oo aad garan garto wax qabadka labada hay’adood ay iska kaashanayaan inay badbaadiyeen noolaha intaasi ay ku qarxi lahayd, waxay sifeeyeen Beero looga caagay in lagala soo baxo dalagii Beeraha, sanadkan waxaanu ku wareejinay shacabkii iska lahaa beerahaa, maanta dalagyadii uga soo baxay ay ku manaafacaadsanayaan waxa kale oo Halo Trust furtay wadooyin badan oo looga caagay maritaankooda oo aan ku qiyaasi karo ilaa 12 wado oo muhiim ah oo aan ka xusi karo Caabudla, Laalaysa iyo kuwo kale.

Gudoomiyaha hay’ada Miino Saarka Qaranku waxa kale oo uu sheegay in Hay’ada Halo Trust ay tahay hay’ada Somaliland ka hawlgasha ee ugu shaqaalaha badan, iyadoo ay ka shaqeeyaan 550 muwaadin oo u badan Mujaahidiintii iyo dhalinyaradii bilaa camalka ku ahayd suuqyada dalka. Taas oo uu gudoomiyuhu tilmaamay inay mushahar u siiso shaqaalaheeda qofkiiba $202 looguna daray $88 dollar oo raashin ah oo marka la isku geeyo noqonaya $290, iyadoo ay dheertahay xuquuqdoodii sanadka iyo hadii uu shil ku yimaado.