Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guuldarada Siyaasada Arimaha Dibedda S/land Ee Maanta Iyo Guusha Ay Xukuumadihii Hore Ay Ka Gaadheen

By. Saeed A. dualeh, UK.

Waxaan qalinka maanta u qaatay bal inaan akhristayaasha u soo bandhigo sida ay siyaasadii arrimaha dibbedda somaliland u guul daraystay oo si aan gabasho lahayn loo hoos geeyey xamar iyo jabuuti, iyo saameynta ay somaliland ku yeelanayso ictiraafka ay dawlada maraykanku  siisay dawlada Somaliya. bal haddba aan idin bayaansho halkii ay Somaliland maraysay siyaasadeeda arrimaha dibbedda markii ay xukuumada Silaanyo ay talada la wareegtay iyo halka ay maanta ku danbeysay sidii loo la dhuumanayey ( Xalaal iftinba la qashaa), aniga oo u kala qaadaya siyaasadii arrimaha dibedda ee buddhiga u ahayd xukuumadihii hore Somaliland soo maray iyo sida ay xukuumadani u burburisay siyaasada arrimaha dibeda somaliland iyo ictiraafka maraykan siiyey dawlada somalia iyo sida ay u soo afjarantay siyaasadii laba geesoodka ahayd (US dual track policy) ee maraykanka ee somaliland/somaliya kula macaamili jirtay.

Siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland ee Xukumadihii Hore:-

Runtii xukuumadihii ka horeeyey tan hadda joogta waxay dedaal weyn geliyaan oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen una ahayd siyaasada qaran sidii Himilada Ummada ay ahmiyada kowaad uga dhigi lahaayeen, oo ah sidii dalkan iyo dadkan reer somaliland beesha caalamka ictiraaf uga heli lahayad, gaar ahaan IGAD, AU, UN, US, EU iyo wadamo badan oo kale. waxaan odhan kara intii xukuumadihii hore joogeen, waxay somaliland kasbtay saaxiibo badan oo geeska ah iyo kuwo caalamiya labadba, waxaana lagu xasuusan karaa Furitaanadii in ka badan 50 xafiisyo wakiil-dibadeed laga kala furay yurub, Maraykan, Bariga dhexe iyo bariga fog ee dhulweynaha Asia iyo qalabeyntooda, heshiiska Berbera corridor ee u dhaxeeya Ethopia & Somaliland, safarkii haweenayada Africa u qaabilsan state department maraykan ka ku timid Somaliland ( mrs.jendayi frazer), oo wax weyn ka bedelay siyaasada maraykanka kula macaamilo Somaliland, oo soo dedejisay qarshaha maraykanka ee laba geesoodka ahaa, socodaalkii wasiirka Africa u qaabilsan UK ku yimid Somaliland oo ahaa safarkii u horeyey ee wasiir dawlada Uk ku yimaado taas oo dawlada Uk ay kor u qaaday mucaawinada Somaliland ay siiso, iyo weliba casuumadii Wasiirka arrimaha dibeda UK David Millband u soo diray madaxweynahii hore somaliland Daahir riyaale oo booqasho rasmi ah ku yimid Uk, sidoo kale, socodalkiisi 9 ka wadan ee Africa oo qadiyada somaliland lagu xoojinayey qaarada afrika oo in badan reer galbeedku inagu riixeen, taas oo keentay in la inoo soo diro guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socda AU badhtamihii 2008. oo runtii ahaa midho dhal iyo guulo waaweyn oo la taaban karo oo dhinaca diblomaasiyada. Waxa sidoo kale xusid mudan in siyaasada arrimaha dibedda somaliland ahayd mid cad marka laga hadlayo wadahadalada somalia oo ahayd in marka uu yimaado maamul dimqaraadiya oo si xor ah dadka koonfurta somalia u soo doorteen ay maalintaas hor fadhiisanayaan, taas oo runtii la odhan karo waa mid ay meel adag iska tageen xita cadaadis kasta oo lagu saaray

.  Siyaasada arrimaha Dibeda ee xukumada Silaanyo:

Tan iyo intii talada dalka ay gacanta ku dhigtay xukumada silaanyo loogna dhigay Wasaarada Arrimaha dibedda Somaliland  maxamed Abdullahi omer nin ka la yidhaa, waxa guulihii somaliland ka gaadhay Arrimaha dibedda maalinba maalinta ka danbeysa hadhayneyey guuldarooyin midba mida kale ka daran tahay, Waxa ka mid ah: waxa gebi ahaanba la shiikhiyey hawlahii Ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee xukumadihii hore wax badan ka  qabteen muddo 20 sanadood ah. waxa albaabadii la isugu dhuftay in ka badan 45 wakiilo -dibadeed oo somaliland adduunka ku lahayd. Waxa hadh cad la la fadhiisay Xukuumadi Sharif oo laba bilood u hadhsan yihiin oo kaare lagu sido. waxa la iska tagey qorshe la'aan shirkii Somalida london iyo turkey, iyada oo awood dawladeed iyo rabitaankooda ku meel marsaday sharcigii golaha wakiilada ay ka soo saareen shirarka somalida. Waxa toos Somaliland loogu dhex milay siyaasada Xamar ka socota, iyada oo xukumada silaanyo hambalyadeeda u kala dheereysay markii la doortay Madaxweynaha koonfurta somalia halka wasiir ka mid ahi u si toos ah u sheegayba in xukumada silaanyo u wakiilatay hawlaha doorashooyinka madaxda somalia xiligii ay doorashada ku jireen. Wasaarada arrimaha dibedda somaliland oo noqotay hal wasiir oo tamashleyn badan iyo laba gacan yare, halka awal ay ka shaqeyn jireen in ku dhow 120 diblomaasiyiin iyo shaqaale ah oo ka hawl geli jiray wasaarada qeybaheeda kala duwan.

Waxa gebi ahaanba shaqeyn waaxyo badan oo wasaarada ka mid ah sida waaxda lagu kaydiyo macluumadka iyo cilmi baadhista ‘Documentation and Research Centre’, waaxda protcol ka, iyo waaxda gaadiidka oo ay hoos tagaan Gaadiid martiyeedyada.

Guntii iyo gebo gabadii, waxa la odhan kara habqanka iyo kala daadsananta ka muuqta siyaasada dibedda ee xukumada Siilaanyo ay hogaaminayso ee laba gebel dhaclaynaysa waa ta maanta wax weyn ka bedeshay siyaasadii laba geesoodka ahayd ee dawlada maraykanku kula maacmili jirtay somalia iyo somaliland, oo toos la inoo hoos geeyey dawlada somalia, waana guul daro aad u weyn oo masuuliyadeeda ay leedahay xukumadda silaanyo ah iyo wasiirka u qaabilsan arrimaha dibedda, waxaana la gudboon waxgaradka, siyaasiyiinta, salaadiinta iyo inta ka damqanaysa somaliland in aan lagu eegan somaliland oo wada tashi guud oo deg deg ah la isugu yimaado si loo badbaadiyo qaranimada somaliland.

 

Saeed A. dualeh

 

UK.