|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3192 |
January 21 2013 Rabicil Awal 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Xukuumada Waxaan Leeyahay Inay Ka Noqoto Wada Hadalada Somalia, Golayaasha Sharcidajinta Dib Ha Loogu Soo Celiyo Xeerkii Fasaxay Ka Qaybgalka Shirarka Somalia” Xildhibaan Cawil Dawiil Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) – Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud (ina Dawiil) oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland, isla markaan ah gudoomiyaha arrimaha bulshada ee golahaasi ayaa xukuumada Siilaanyo uga digay inay wada hadalo dambe la yeelato xukuumada Somalia, kuna baaqay in dib loogu soo celiyo golayaasha xeer dajinta go’aankii ay ku laaleen xeerkii mabnucayay ka qaybgalka shirarka Somalia, si ay golayaasha sharci dajinta go’aan dambe uga qaataan in wada hadalo Somaliland ay la yeelato Somalia. Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan doonaya inaan ka hadlo mawduuc lagu jaahwareerinayo dadkena aan aad wax u fahamsanayn, mawduucaas oo ah dawlada Somalia ee la leeyahay Maraykanka ayaa aqoonsaday waxaan leeyahay awalba dawladaha qarbigu way aqoonsanaayeen Somalia oo iyaga bixiya dhaqaalaha ku baxa Ciidamada Amison, sidaa darteed waxaan leeyahay yaan dadka aan aad wax u fahansanayn lagu jaahwareerin. Somaliland 1960-kii ayay Somalia ku darsatay, oo muran kama joogo 19 91-kii way ka go’day, sidaa daraadeed waa dal leh 1. Ciidamo Qaran oo heegan ah 2. waa dal leh Calan, lacag u gaara iyo distoor. Dadka Somaliland aftidii ay u qaadeen gooni isku taaga iyo madaxbanaanidooda 97% ayay ku ogolaadeen, taas darteed waxaan leeyahay anigoo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada golaha guurtida Somaliland yaan lagu jaahwareerin Maraykan baa Somalia aqoonsaday, inaga Somaliland Ilaaha nabada na siiyaa na aqoonsaday, Calankaa Tawxiidku ku xardhan yahayna marnaba Khasaari maayo.” ugu dambayn xildhibaanku waxa uu xukiumada iyo golayaasha sharci dajinta u soo jeediyay “Xukuumada waxaan leeyahay waa inay dib uga noqoto wada hadaladii Somalia oo aanay u nuglaan arrimaha Maraykanku wado, waxaanan usoo jeedinayaa in wada hadaladii dib looga noqdo, oo golayaasha sharci dajinta lagu soo celiyo oo xeerka lagu fasaxay ka qaybgalka shirarka Somalia la laalo, dadweynaha reer Somalilandna waxaan leeyahay dhinac uga soo wada jeeda guud ahaanba ilaalinta nabadgalyada” |