|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3192 |
January 21 2013 Rabicil Awal 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Doodaha Ka Taagan Shaqooyinka Ay U Kala Xilsaaran Yihiin Xubnaha Golaha Wasiiradu” Ugaas Barde (Jibiiqe) Mudane Madaxweyne, siyaasi ma ihi, shaqana kama dhigto nin waligiiba mansab siyaasiya doonay, xataa wasiirada xukuumada waxaan ka aqaana Axmed Cabdi Xaabsade, Abiib Diiriye, Xuseen Axmed Caydiid, Geeljire iyo Garaad. Galabtii ciyaalka xaafada ayaan wax u dhigaa waxaanan u galau iyagoo isku asaraaraya Maxamuud Xaashi Cabdi waa wasiirka beeraha iyo maahee waa wasiirka duulista iyo hawada, markaas ayay yidhaahdeen macalinka ayaan waydinaynaa, isaga ayaa ina kala saaraya, markaas ayaan markhaatigii u kala furi kari waayay, markaasaan ku idhi wasiirada xukuumadeena waa inaad kala barataan, si aanay iila yaabin waxaan ku idhi caawa waxaad ka soo shaqaysaan wasiirka u dheer wasiirada xukuumada iyo ka ugu gaaban, wasiirka u buuran iyo ka u dhuuban, wasiirka ugu cas iyo ka ugu madow, wasiirka ugu gadhka dheer iyo ka ugu gadhka gaabanm wasiirka ugu bidaarta weyn iyo ka ugu timaha badan. Intaa ayaan u diray si aan uga faa’iidaysto ardayadu markay soo ogaato. |