|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3192 |
January 21 2013 Rabicil Awal 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xaflad Loogu Diyaar Garoobayo Xuska Mawliidka Nebi Muxamed (Scw) Oo Lagu Qabtay Arabsiyo Hargeysa, January 21, 2013 (Haatuf) – Xaflad loogu diyaar garoobayo xuska Mawliidka Nebi Muxamed (SCW) oo ku beegan 12-ka bishan Rabiicul Awal ayaa shalay lagu qabtay degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley. Munaasibadaasi loogu diyaar garoobayo xuska dhalashada rasuulkeenii Muxamed (SCW) ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal ka tirsan culimada Somaliland, madaxdhaqameedyo iyo dadwayne farabadan oo iskaga kala yimid gobollada Maroodijeex, Awdal iyo Gabiley. Waxaa xuskaasi wacdi iyo khudbado ka turjumaya fadliga xuska Nebigeena ka soo kala jeediyay culimada ay ka mid ahaayeen Sheekh Daa’uud, Sheekh Ismaaciil Muximed Ibraahim, Sheekh C/qaadir Carab (Jaabir), kuwaas oo ka waramay fadliga iyo qiimaha xuska NEBI Muxamed (SCW) uu leeyahay in la wayneeyo. Intaa ka dib culimadii iyo dadweynihii ka soo qabgalay xafladaasi ayaa jidadka iyo xaafadaha Arabsiyo ku soo dhex wareegay. |