Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/14aad)

12. Cabdilaahi Binu Xudaafa

Halyeyga ay qisadani ka war bixinaysaa waa C/Laahi Binu Xudaafa Al-Suhami.

Taariikhda dunida ma soo marin ,haddii uu soo mareyna waxa uu ahaa faro ku tiris dhigiisu.

Diinta islaamka ee ballaaddhan ayaa waxay Cabdilaahi fursad u siisay in uu la kulmo labadii Boqor ee addduunka ugu waaweynaa xilligiisii:KISRA oo ahaa boqorkii Faaris iyo QAYSAR oo ahaa boqorkii RUUM. Labadan boqor iyo Cabdilaahi(RC) waxa dhexmaray dhacdooyin layaab leh oo ay taariikhdu xusayso,mudanna in qalin iyo qoraalba lagula itaalsado si dhaxal maguuraan ah loo tabcado.

1.Qisadii Dhex Martay C/Laahi(Rc) Iyo Boqorkii Kisra Ee Faaris.

Sannadkii Lixaad ee Hijriyada ayaa Rasuulku(scw)waxa uu go’aansaday in uu farriin qoraaleedyo u kala diro boqorada aan Carabta ahayn,farriimahaasna uu u dhiibo qaar ka mid ah asxaabtiisa(RC) isagoo Rasuulku (SCW) ugu yeedhaya diinta islaamka.

Rasuulka (SCW)waxa aad ugu weynaa qaddiyadda uu u dirayo ragga asxaabtiisa ka midka ah,sida aanay dallaka loo dirayo iyo boqorada loo dirayo wax xidhiidha iyo aqooni toona aanay uga dhaxaynin… sida aanay waxba uga garanayn luqadaha iyo dhaqamada dhulkaas laga adeegsado.Yeedhmada ay ugu yeedhayaan in ay diimahooda ka soo baxaan,boqortooyooyinkoodana soo faaruqiyaan soona galaan

diinta islaamka. Waa safar aad u khatar badan,oo ay ku gadaamanyihiin dhibaatooyin aan la soo koobi Karin,qofka safarkaas u baxa waxa uu ka dhiganyahay mid aan rajo badan laga qabin soo noqoshadiisa,ka ka soo noqda ee safarkaas soo badbaadaana waa mid u muuqan doona sidii mid xalay dhashay. Sidaas darteed Rasuulku(scw) waxa uu shiriyey Asxaabtiisii khudbad dheer baanu madashaa il yartu is qabatay ka jeediyey,waxaana ka mid ahaa khudbadiisii(scw):”waxaan doonayaa in aan badhkiin u diro boqorada la yiilaha(cajamiyiinta),ha I khilaafina oo ha iga hor imanina sidady reer banii israa’iil uga hor yimaadeen Ciise Binu Maryama(Cs).

Asxaabtii waxay u celiyeen Rasuulka(scw):Rasuul Alloow hawraar san baan ku leenahay,wixii aad na farto iyo halkii aad noo dirtaba raalli baanu ka nahay Rasuulkii Alloow.

Isla cagidiiba Rasuulku(SCW)waxa uu u magacaabay lix ka mid ah Asxaabta in ay u qaadaan farriin qoraleedyada boqarada carbta iyo cajamta labadaba,lixdaas asxaabi(RC)waxa ka mid ahaa oo ku jiray Cabdilaahi Binu Xudaafa Al-Suhami,waxaanu Rasuulku(scw) u doortay in uu qaado farriinta qoran ee boqorka Kisra oo ah Furus. Cabdulaahi binu xudaafa waxa uu diyaarsaday faraskiisii ,waxaanu sagootiyey afadiisii iyo carruurtiisiiba. Waxa uu u ambo baxay sidii uu u fulin lahaa amarka Rasuulka Alle(scw),wuxuu sii jeedo oo sii jibaaxo buuraha kuraha ,lafaha dooxyada isagoo cad oo madow oon wehel iyo walaaltoona wadan,Alle(swt)mooyee cid kaloo ku lamaani aanay jirin ayuu soo gaaddhay degelkii iyo deegaamadii Faarasiyiintu deganaayeen.

Sidii ay qoloba qolo ugu sii tilmamaysay buu soo gaadhay qasrigii boqorka halkaasoo uu ilaaladii ka codsaday inay u ogolaadaan boqorka si uu ugu dhiibo oo u gadhsiiyo farriin qoraaleedkii uu Rasuulku u soo dhiibay. Intii aanu Cabdulaahi u gelin boqorka waxa la qurxiyey oo si fiican loo sharraxay fadhigii boqorka oo markiisa horeba aad u qurux badnaa maadaama ay martiyi u soo gelayso . Kisra waxa uu u yeedhay madaxyaweyntii Faarasiyiinta oo dhan si ay goob jog uga ahaadaan waxa ninkani uu wado ee la socdo belaayo iyo barkhad mid ay noqotaba.

Cabdulaahi isagoo gaashaaman ayuu dalaq yidhi kolkii loo ogolaaday halkii uu boqorku fadhiyey ,waxaanu arkay boqorkii oo aad yaabayso labiskiisa iyo halka uu fadhiyaaba bilicda iyo waxa caraf iyo cuud is jiidhaya meesshaas oo indha daraandar ku ridaysa qofkii soo gala.

Cabdulaahi isagu waxa uu xidhanyahay oo ku labisanyahay maryo aan ili qabatay ahayn oo ka kooban Go’iyo Cabaayad,laakiin waxa wejigiisu uu la iftiimayaa iimaanka oo qanjaha jooga islaamnimada awgeed. Boqorka iyo dadkiisa ,xariirta iyo damashka ,waxa meesha maadh adduun ka muuqdaa Cabdulaahi uma qurqursana umana muuqdaan,waayo wax kaga weyn baa jira oo ah in uu farriinta qoraalka ah boqorka gacanta ka saaro. Cabdulaahi(Rc) waxa uu ahaa nin joog iyo Jamaal is raacsan leh. KISRA kolkuu arkay in uu isga ku soo socdo oo uu doonayo inuu warqadda u dhiibo ayaa waxa uu u tilmaamay mid ka mid ah akhyaartii la fadhiday in uu warqadda gacanta ka geliyo hase ahaatee Cabdulaahi waa uu diiday waxaanu ku yidhi boqorkii Kisra:”Rasuulkii Ilaahay waxa uu I amray in aan adiga uun gacanta kaa geliyo,mana khilaafayo amarka Rasuulka(SCW).

La soco…………………..