Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mataano Dhago La’ Oo Markii Lagu Wargaliyey Inay Indho Beelayaan  Dalbaday In La Dilo

Marc iyo Eddy Verbessem oo 45 jir ah oo labadooduba ku dhashay dhago la’aan ayaa dalbaday in noloshooda la soo afjaro kadib markii dhakhtar uu ku wargaliyey inay indho beelayaan.

Waxa ay doonayeen inay si wada jir ah u wada qaataan nolosha inta uga hadhay, iyaga oo wadaagi jiray hal guri si wada jir ahna u wada shaqaysan jiray, walaaladan ayuu digtoor ku wargaliyey in aanay awoodi doonin in midba midka kale uu arko, sida uu qoray Wargeyska ka soo baxa Magaalada London ee Daily Telegraph. Labadan Nin ee Mataanaha ayaa aad isku jeclaa isla markaana ku fikiray mar hadii sida kaliya ee ay u wada xidhiidhi jireen ay ahayd aragtida iyo faraha ay hada dhimasho ka doorbidayaan inay silic ku noolaadaan. In qofka la dilo oo irbad lagu mudo hadii noloshu ku adkaato ayaa sharci ka ah dalka Belgium.