Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Dardartay Arsenal Ka Dib Ciyaar Xiiso Leh Oo Dhexmartay Labada Koxood

Kooxda Chelsea ayaa ugu awood sheegatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Arsenal garoonkeeda Stamford Bridge ka dib markii ay kaga talaabsadeen 2-1.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Arsenal, Walcott ayaa kubad u dhigay Giroud kaasoo goolka u furnaa laakiin darbadiisa waxa ay si ciriiri ah ku ag martay goolka.

Daqiiqad ka dib Chelsea ayaana heshay fursadoodii ugu horeysay waana ay ka faa’ideysteen oo hogaanka ayay ciyaarta u qabteen. Cesar Azpiliceuta ayaa baas dheer u dhigay Juan Mata kaasoo isna si qurux badan shabaqa u dhex dhigay kubada. Arsenal ayaa ka careysneyd go’aanka garsooraha iyadoo intii uusan Azpilicueta uu kubada helin uu Ramires qalad ku galay Coquelin laakiin garsooraha ayaan dhigin wax qalad ah. Chelsea oo carcar ay ka muuqatay ayaa hogaanka sii dheereysatay 10 daqiiqo ka dib goolkoodii koowaad, markii daqiiqadii 16aad ay ku guuleysteen rigoore, daafacyada Arsenal ayaa qalad weyn sameeyay taasoo keentay in Ramires uu kubad la kor istaago goolhaye Szczesny, goolhayaha ayaana qalad ku galay Ramires taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo rigoore. Frank Lampard ayaa u soo joogsaday rigoorada oo shabaqa dhex dhigay, waxaana Super Frank uu haatan 7 gool kaliya u jiraa rikoorka ninka ugu goolasha badan abid Chelsea ee Bobby Tambling oo leh 202 gool. Lampard ayaa sidoo kale dhaliyay rigooradiisii 41aad ee Premier League, kaliya Alan Shearer oo dhaliyay 56 rigoore ayaa ka badan. Chelsea oo qeybtii hore ciyaarta inteeda badan iska heysatay ayaana hogaanka ku heysay 2-0 markii labada kooxood ay aadeen xilligii nasashada. Qeybtii labaad ayay Arsenal ku soo gashay ciyaarta si ka fiican qeybtii hore, daqiqiadii 47aad ayay fursad heleen Cazorla ayaa laad xor ah soo tuuray waxaana madaxa la helay Mertesacker, laakiin kubad waxaa qabsaday Petrt Cech. 10 daqiiqo ka dib fursad kale ayaa soo martay Gibbs ayaa karoos qatar ah ka keenay dhanka bidix madaxana u saaray Giroud, laakiin weeraryahanka reer France ayaa si tartiib ah u taabtay kubada waxaana qabsaday Cech. Daqiiqadii 58aad ayayna Arsenal heshay goolkii ay raadinayeen, Theo Walcott ayaana qandaraaskiisa cusub kula dabaaldegay gool uu ka soo shaqeeyay Cazorla kaasoo kala dhantaalay daafaca Chelsea ka hor inta uusan kubad u dhex bixin Theo Walcott.

Blues ayay soo martay fursad qaali ah oo ay hogaanka ku sii dheereysan kareen markii Fernando Torres uu daqiiqadii 70aad kubad ka tuurtay Mertesacker, laakiin taabashadiisa ayaa aheyd mid culus taasoo keentay in Szcesny uu ku soo baxo oo uu kabada qabsado.

Ciyaarta oo lix daqiiqo dhiman Chelsea waxaa soo martay fursad dahabi ah, Demba Ba oo bedel markii ku soo galay ayaa kubad ku helay goolhaye Szcesny oo uu kubada la maray, laakiin kubadii uu islahaa dhex dhig goolka banaan waxaa ku soo gaaray oo ka block-gareeyay Vermaelen.

Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta culeys weyn saartay goolka Chelsea laakiin waa ay heli waayeen goolkii barbaraha ee ay raadinayeen, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo guusha ay ku raacday kooxda Chelsea. Natiijadan ayaa ka dhigeysa in Chelsea ay sii xajisato booskeeda kaalinta seddexaad iyagoo leh 45 dhibcood, waxaana ay 11 dhibcood ka sareeyaan kooxda Arsenal oo ku jirta kaalinta 6aad oo leh 34 dhibcood, laakiin Gunners waxaa gacanta ugu jirta kulan u baaqday maalintii Boxing Day.