Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3192

January 21 2013                                                                Rabicil Awal 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mesut Ozil: Haddii Go`aanka Gacanteyda Ku Jiri Lahaa Real Madrid Meel Kama Aadeen

Kubada sameeyaha kooxda Real Madrid Mesud Ozil ayaa gaashaanka u daruuray wararka ay warbaahinta si weyn u qoreyso ee ku aadan in qilaaf uu kala dhaxeeyo macalinka kooxda ee Jose Mourinho . Ozil ayaa dhamaan warbaahinta Spain ka soo xigteen:  “Aniga waxaan jeclahay Real, waxaana doonayaa in aan baaqi ku sii ahaado in muddo ah, haddii go`anka uu gacanteyda ku jiri lahaana ciyaaraha ayaan uga fariisan lahaaa oo meel kama aadeen”.

Mar uu ka hadlayay qilaafka la sheegay in uu kala dhaxeeyo Jose ayuu yiri: “Xariirka igala dhaxeeya Jose aad ayuu u wacan yahay, waana ixtiramaayaa dhamaan kooxda iyo ciyaartooyda , waxa ay saxaafada naga qorayaana waa iska xan waa naga qoslinayaan” . Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in kooxda Real Madrid aysan ka baqeyn marnaba kooxaha Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo  xitaa Barcelona.