|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3193 |
January 22 2013 Rabicil Awal 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiir Duur Oo Dibada Soo Dhigtay Khibrad Yaraantiisa Siyaasadeed Markii Uu VOA-da Siiyey Waraysi Lala Yaabay By. Cali Xaruuri Wareysigii doraad VOA-du la yeelatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxay bannaanka soo dhigtay oo ay daaha ka fayday khibrad yaraanta Siyaasadeed ee Wasiir Duuur. Kaas oo erayo aad u liita marka laga eego luqadda Diplomacy-yadda (diplomatic language), uu kaga hadlay Socdaalkii Masuuliyiinta Somalia ay ku tageen Aqalka Cad ee Maraykanka. Wasiirku wuxu muujiyey walaac aan loo baahnayn iyo sas uu shacbiga ku riday. Ereyadaa aadka loo qoonsaday ama laga biyo diiday waxaa ka mid ahaa: “Waxay Ahayd DAL burbursan bay ka yimaaddeene inay codsadaan in wax lala qabto. Waxay kaloo ahayd inay codsadaan in goobaha nabadda ah ee Somaliland ka mid tahay in la taageero. Waxay kaloo ahayd inay codsadaan in dawlada Maraykanku ay qayb kala qaadato sidii Soomaali la iskugu keeni lahaa iyo wada hadalkeeda sidii ay u sii socon lahaa khaasatan Somalia iyo Somaliland wada hadalkeeda sidii uu u sii socon lahaa inuu qeyb ka qaato". Waxa kale oo iyana layaab oon meesha qabanaynin inuu is barbar dhigo Dawlada Somaliland iyo Maamul goboleed ka tirsan Somalia, waxaana Wasiirka hadaladiisa ka mid ahaa:- “Waxaad Mooddaysay Inay Ku Yara Jirtay Woxogaa Maamulada kale ee sida Somaliland oo maamul ah, Puntaland Oo Iyana Maamul ah In Woxoogaa Tahdiid Ihi Ku Yara Jiray". Maaha markii u horaysay ee Wasiir Duur hadallo aan loo miidaan dayin oo dadweynuhu la yaabaan uu ku hadlo, waxaa xusid mudan doorashadii Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu doortay in Wasiirku uu qiray in dawladda Somaliland gacan ku lahayd soo bixitaankiisa doorashada Madaxweynanimo taas oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland uu deedefeeyey oo uu meesha ka saaray.
Cali M. Adam (Cali Xaruuri) |