Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3193

January 22 2013                                                                Rabicil Awal 10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su誕alo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Furay  Shirwaynihii Aqoonyahanka Iyo Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha S/Land

Hargeysa, January 22, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Xanaanada Xolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa shalay furay Shirweynihii Ururka Xirfadlayaasha Iyo Aqoonyahanka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Shirweynahaas oo mudo laba maalmood ah socon doona ayaa waxa munaasibadiisaasi ka dhacday Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, kaas oo Ururkaasi ay sidoo kale mudada uu socdo ku dooran doonaan Guddoomiyaha Iyo Ku Xigeen uu yeelanayo Ururka xirfadlayaasha dalku. Munaasibada Shirwaynahaasi shalay ka furmay ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaas Dr Axmed Xaashi Oday, Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Caga-weyne),Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Dr Cali Aw Yuusuf,  Xildhibaan Cabdraxmaan Cismaan Caalin iyo Aqoonyahano iyo Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha Somaliland. Ugu horayn waxa furitaanka Shirwaynaha Xirfadlayaasha ka hadlaya Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne) oo sharaxaad ka bixiyey nuxurka shirwaynahaas iyo nuxurka faa段dooyinka uu  u leeyahay dalka iyo bulshadaba, kaas oo xusay mihiimada uu leeyahay ururka Xirfadlayaasha Xanaanada Xooluhu, kaas oo ugu baaqay inay ka faa段daystaan ka soo qaybgalayaashaasi, isla markaana wadanka uga faa段deeyaan mihnadooda mihiimka ah. Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Dr Axmed Xaashi Oday oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa dhiniciisa ku dheeraadey xirfada iyo aqoonta xanaada xooluha faa段dooyinka ay u leedahay bulshada iyo waxyaabaha looga baahan yahay aqoonyahanada ku shaqeeya xirfadan, sidoo kale waxa uu ka sheekeeyey marxaladii kal duwaan ee la soo

mareern xirfadasi ilaa lagoo gaadho maanta oo uu sheegay in ay meeqaam

sare marayso. Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka labaad  ee Golaha Wakiilada Somaliland Dr Cali Aw Yuusuf oo madashaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa ka waramay doorka ay xukuumadu ka qaadan karto dhiiri galinta iyo kor u qaadista tayada xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha si loo helo hilib iyo xoolo Caafimaad qaba. Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay Xildhibaan Cabdraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada iyo Dr. Ciise Nuur oo iyaguna ku dheeraada Mihiimada ururkaas Xirfadlayaasha iyo faa段dooyinka ugu jira Qaranka, kuwaas oo ku dardaarmay inay Aqoonyahanadii ka soo qaybgashay isku kaashadaan sidii ay wada-shaqayn dhaw u yeelan lahaan. Gabo-gabadii Furitaanka Munaasibadaas Ururka Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha Somaliland  ee shalay Hutel Xaraf ka furmay oo maanta Salaasa ah soo xidhmaya waxa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanad Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, kaas oo si qoto dheer uga xog-waramay kaalin ay Dhakhaatiirta Xanaanada Xooluhu kaga jiraan bulshada iyo muhiimd ay u leeyihiin Qarankaba, isla markaana sheegay inay faa段do mug-wayni ugu jirto dalka iyo dadkaba in la helo urur ay ku bahoobaan aqoonyahanada iyo xirfadlayaasha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland. Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa ugu baaqay ka soo qaybgalayaasha Munaasibadaas inay ka faai壇aystaan Kulankoodaas, kaas oo madashaas kaga shaaciyey inay ururkaas Xirfadlayaashu u madaxbanaan yihiin qaabka ay u dooranayaan hogaankooda iyo mudada ay xilka hayn doonaanba, isla markaana balanqaaday inay xukuumad ahaan gacanwayn siin doonaan ururkaas.