Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3193

January 22 2013                                                                Rabicil Awal 10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/15aad)

12. Cabdilaahi Binu Xudaafa

KISRA waxa uu u sheegay macaanaysooyinkiisii faraha badnaa ee rabay in ay warqadda ka qaadaan Cabdullahi :iska daaya ha ii soo dhawaado aniga e ,illaa uu Cabdulaahi gacanta ka geliyey warqadii boqorkii Kisra!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Kisra waxa uu u yeedhay qoraa carab ah oo ku amray in uu warqadda furo oo akhriyo waxa ku qoran,misna waxaaba ku qoran:

بسم الله الرحمن الرحيم من محمد رسول الله الى كسرى عظيم الروم ,سلام على من اتبع الهدى.............................

Warqaddu waxay ku bilaabantay bisinka Alle(swt)

Ka:Muxamed oo Rasuulkii Alle ah(scw)

Ku:Kisra boqorka Faaris,nabadgelyo waxa leh cid kastoo hanuunka raacda”………………..

KISRA markuu intaas oo keli ah maqlay baa uu cadho iyo ciil is madax iyo minjaba maray,wejigii baa casaaday cadho awgeed,waxa uu ka cadhooday sida ay warqaddu ugu bilaabantay magaca Rasuulka(scw),waxaanu si dhakhso ah uga soo dhuftay ninkii akhriyayey waanu googooyay warqadii isaga oo aan ogaanin wixii ku qornaa gudaheeda isaga oo ku qaylinaya: ma aniga ayuu waxaas ii soo qorayaa,isagoo addoonkaygii ah?!!!!

Waxa uu boqorkii amar ku bixiyey in madasha laga saaro Cabdulaahi,waana laga saaray.

Sidaas buu cabdilaahi kaga baxay aqalkii boqorka isaga oon garanayn siday wax u dhici doonaan……………. Miyaa la dili mise waa la sii dayn doonaa?

Laakiin cabdulaahi isaga oo naftiisa la xanshashaqaya ayuu hoos isu yidhi “Ilaaha weyn baan ku dhaartee inaanan calaacalayn kol hadddaan amarkii Rasuulku I faray sidiisii u gutay oo fuliyey”,waxaanu iska fuulay faraskiisii.

Kolkii KISRA uu cadho bur-buray ayuu yidhi ha la ii keeno Cabdulaahi,way raadiyeeen laakiin waa ay waayeen meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Waxay baadi doon u direen dariiqii jasiiradda carabta tagayey ee uu markii horeba ka soo galay hungo ayaanay kala kulmeen.

Markii uu Cabdulaahi Rasuulkii Alle(SCW) soo gaadhay ee uu uga warramay in uu Kisra warqadii jar-jaray ayuu Rasuulku(scw)yidhi:

مزق الله ملكه “Alla ha bur-buriyo mulkigiisa”.

Kisra isagu waxa uu fariin qoraal ah u diray Baadaan oo ahaa wakiilka u qaabilsanaa Yaman,warqadii uu dirayna waxay u dhignayd sidan:

U dir ninkan lasheegayo ee Xijaaz ka soo baxay(nabi maxamed) labo nin oo xoog ah oo ciidankaaga ka mid ah ,amarna waxaad ku siisaa in ay kuu keenaan ninkaas……….waxa uu diray isla markiiba labo nin oo ka mid ah kuwa ay uisugu dhuun daloolaan ciidankiisa,waxaanu u dhiibay fariin qoran oo uu Rasuulka(SCW)kaga dalbanayo in uu u yimaaddo boqorka Kisra oo aanu daahin…… Waxa kale oo uu labada nin ku adkeeyay in ay dabo gal ku sameeyaan una dhug yeeshaan hab dhaqanka Rasuulka iyo waxayaabaha uu sameeyo inta badan si macluumaad dheedraada iyo xog sugan looga helo. Labadii nin dhabada cagta saare, u dhuyaale xagga magaalada Daa’if oo ah halkii ay u tirinayeen Rasuulku(scw) in uu ku noolaa,waxay sii dhababaceeyaanba kolkii ay soo gaadheen Daa’if waxa ay la kulmeen rag ganacasto ah oo Qureysh ah ,waxa ay weydiiyeen Rasuulka(scw),Waxaana loo sheegay in Rasuulkii uu joogo magaalada Madiina.yathrib Ganacsatadii oo faraxsan,riyaaqsan oo aad yaabto yididiilada ka muuqata ayaa kolkay Maka soo galeen ugu bushaareeyey reer Maka in maanta dabadeed laga raysan doono Muxamed(Scw) iyo dhibtiisa maadaama uu Kisra ciidan u soo diray.

Labadii nin iyagu waxay u soo ambo baxeen xagga magaalada Madiina,waxaanay halkaa kula kulmeen Rasuulka(scw) ,waraaqdii Baadaanna waa ay u dhiibeen,waxaanay ku yidhaahdeen:”Boqorkii boqorada ee KISRA waxa uu warqad u qoray boqorkayagii Baadaan si uu cid kuugu soo diro…….sidaasaanu kuugu nimid inad na raacdo,haddii aad na yeesho waanu kaala hadli boqorka,dhibna laguu geysan maayo,haddii se aad na diiddo waa ninka aad maqashay ee ad ogtahay awoodiisa iyo cududiisa iyo sida ay ugu fududahay in uu kaa takhaluso adiga iyo reerkiinaba. Rasuulku waa uu muusooday waxaanu ku yidhi labdii nin:”iska noqda maanta oo berrito ii kaalaya”  Maalin labaadii ayay ku soo kallaheen Rasuulka(scw) oo ay ku yidhaahdeen “ma u diyargarawday sidii aad noogu raaci lahayd boqorka Kisra”?

Waxa uu u celiyey Rasuulku(SCW):”maanta dabadeed Kisra arki maysaan… Allaa dilay,waxaanu ilaahay ku saliday wiil uu dhalay oo layidhaahdo Shiiraweyh, habeen caynkaa iyo caynkaas ahaa……….bishii sidaa ahayd……….