Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3193

January 22 2013                                                                Rabicil Awal 10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Haweenka Sucuudigu Way Heli Doonaan Xaqa Ay U Leeyihiin Inay Baabuurta Kaxeeyaan”

Manal Al-Sharif, Oo U Dooda In Haweenku Darawaliin Noqdaan

Haweenay u dhalatay Saudiga oo u dhaqdhaqaaqda in haweenku ay xaq u leeyihiin inay baabuurta kaxeeyaan oo la yidhaa Manal Al Sharif, taas oo soo jiidatay warbaahinta caalamka ayaa xayiraad laga saaray inay gaadhi kaxayso. Qoraal ay u soo dirtay Bar internet oo laga leeyahay Emaraadka Carabka ayay Manal ku sheegay in Haweenka Sucuudigu ay ku dhiiradaan sidii ay ugu halgami lahaayeen inay helaan xaqa ay leeyihiin oo aan ahayn oo kaliya Gaadi Kaxaynta.

Manal Al-Sharif mar la waydiiyey in ay iman doonto maalin maalmaha ka mid ah in dumarka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuur ku dhex wadi doonaan Boqortooyada Muslimka ah ee shidaalka soo saarta ayaa waxay tidhi “Su’aasha Ah ma noqon doontaa: Dumarku way heli doonaan xaq baabuur wadida…jawaabtayduna waa haa”. Al Sharif, da’deedu waa 33 jir Khabiir ku ah Cilmiga computer-ka, waxaanay ka shaqaysaa shirkad Aramoco oo soo saarta Saliida, ayaa waxa ay hormood ka ahayd ololihii 2011-kii ay ku doonaysay in xayiraadka muddada dheer dumarka ka saarnayd inay baabuur ku dhex kaxeeyaan Sucuudiga laga qaado.

Saraakiil Sucuudiyaan ah ayaa waxa ay sheegeen in Boqor Cabdala uu soo saarayo go’aan lagu soo afjarayo xayiraadahaasi oo caqabado bulsho ku haya dalka ay ku nool yihiin 28ka Million ee qof.