Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3193

January 22 2013                                                                Rabicil Awal 10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ethiopia Oo Barbaro La Gashay Xulka Zambia, Koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka dalka Ethiopia oo ku ciyaarayey 10 Ciyaartoy oo kaliya ayaa ku dhegay xulka difaacanaya koobka qaramada Afrika Zambia ka dib markii ay la galeen barbaro 1-1 ah, xilli Ethiopia ay qeybtii labaad oo dhan ku ciyaarayey 10 ciyaaryahan, waxaana ay heleen dhibic ay u qalmeen.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay xulka Ethiopia kuwaas oo nasiib darro ku lahaa in aanay hogaanka qaban daqiiqadii 17aad ee ciyaarta, Salhadin Said ayaa kubad si fiican uga dulqaaday goolhaye Mweene, laakiin kubada ayaa ku dhacday gool faaruq ah horteeda islamarkaana ka sii dulbooday goolka. Waxaana ay taasi tusaale u tahay cabashadii dhawaan laga muujinayay qaar ka mid garoomada South Africa oo oogadooda ay aad u adag tahay islamarkaana kubada ay had iyo jeer iska boodboodeyso. Daqiiqadii 21aad ayay Zambia iyadana heshay fursadeeda ka dib markii karoos qatar ah uu keenay Kalaba iyadoo Kotongo madaxa la helay laakiin ma aysan dhalan. Labo daqiiqo ka dib Ethiopia ayaa rigoore heshay ka dib counter-attack fantastik ah oo ay soo qaadeen, Salhadin Said ayaana qalad lagu galay ka dib baas qatar ah oo uu ka helay Kebede. Salhadin Said oo rigoorada lagu galay ayaana u soo istaagay laakiin si xun ayuu u tuuray goolhayaha Zambia-na si wacan ayuu u aqriyay dhaqdhaqaaqa ciyaaryhanaka isagoo ka bixiyay. Halkaasna Ethiopia ay fursad qaali ah ku dhaaftay.

Ciyaarta oo aheyd mid xiiso leh ayaa islamarkiiba waxaa fursad heshay Zambia iyadoo Kotongo uu kubad joog hoose la abaaray goolka Ethiopia laakiin waxaa kooner u saaray goolhaye Jamal Tassew. Ethiopia ayaase waaga ku baryay daqiiqadii 36aad markii casaan laga siiyay goolhayahooda Jamal Tassew kaasoo qalad xun ku galay Lungu. Tassew ayaa isna u muuqday inuu is dhaawacay laakiin waxa ay u keyd taatik uu doonayay inuu kaga badbaado casaan, garsooraha ayaana casaan u taagay intii uu sii saarnaa bareelo garoonka looga bixinayay.

Ethiopia oo ciyaar wacan soo bandhigeysay ayaana ku soo hartay 10 ciyaaryahan, Zambia ayaana nasiibka saaciday daqiiqadii 3aad ee afar daqiiqo oo lagu daray qeybtii hore ee ciyaarta waxaana ay qabteen hogaanka. Katongo ayaa kubad u dhigay Mbesuma kaasoo ka faa’ideystay daafac jilcan islamarkaana kubada xabadka saartay ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin kubada, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay xulka difaacanayaa koobkaan ee Zambia. Inkastoo Ethiopia ay 10 ciyaaryahan aheyd hadana waxa ay qeybtii labaad ee ciyaarta ku bilowdeen si dardar leh. Daqiiqadii 65aad ayay Ethiopia heshay goolkii barbaraha Adane ayaana shabaqa kubada ku hubsaday ka dib baas uu ka helay Salhadin Said.

Daqiiqadii 74aad ayay Zambia fursad iska qasaarisay, waxaa kubad madaxa la helay Mulenga laakiin kubadiisa waxa dusha sarre kaga dhacday shabaqa goolka.

Zambia ayaana weerar isdaba joog ah qaaday si ay u soo ceshtaan hogaankooda, goolhayaha Ethiopia Zerihun Tadele ayaana fursado ka beeniyay. Ciyaarta ayaana ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, Ethiopia ayaa kulankaan uu u yahay mid niyad dhis ah marka loo fiiriyo sida ay u ciyaareen iyagoo 10 ciyaaryahan ah, islamarkaana u dabaaldegay dhibcodooda, halka Zambia aysan ku qanacsaneyn madaama ay si xun ku bilowdeen difaacashadooda koobka Qaramada Afrika.

Kulanka kale e Group C waxaa goordhow ciyaari doona xulalka Nigeria iyo Burkina Faso.