|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3193 |
January 22 2013 Rabicil Awal 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Robin Van Persie: Waan Ku Saxnaa Inaan Ka Tago Arsenal Oo Aan Ku Biiro Manchester United Weeraryahanka Manchester United Robin van Persie ayaa aaminsan inuu rumeysan yahay inuu ku saxnaa xilligan oo mustaqbalkiisa ah inuu ka tago Arsenal oo uu ku biiro kooxda Shayaadiinta Cas Cas. Xiddiga reer Holland oo haatan hogaanka u haya gooldhalinta horyaalka Premier League ayaa 24 milyan ginni ugu wareegay Old Trafford xagaagii ka dib sideed sanno oo uu joogay kooxda ka dhisan Waqooyiga London. Waxaana 29 jirkaan uu haatan sheegay inuu dareemay in la gaaray waqtigii uu raadsan lahaa koox cusub iyo tartan cusub. “Arsenal waa koox weyn, mar walbana dareen fiican ayaan u hayaa, laakiin ka dib sedeed sanno waxaad mararka qaar dareemeysaa inaad u baahan tahay tartan cusub.” ayuu Van Persie u sheegay Sky Sports. “Waxaan tartankaas cusub ka helay Manchester United. Waxaan dareensanahay inay igu hareereysan yihiin horyaalo. “Waxaan dareensanahay inay haatan tahay xilligii saxda ahaa ee aan halkaan joogi lahaa. Uma maleynayo inay fiicnaan laheyd inaan imaado xilligan xilli ka hor. Wax walba sabab ayay u dhaceen. “Markii aan qandaraaska u kordhiyay Arsenal labo sanno ka hor, waxaan dareensanaa inay xilligaas ii aheyd qorshe fiican oo aan ku sii joogo islamarkaana ku sii ciyaaro sababtoo ah shaqo aan dhamaan ayaa halkaas iga tiilay. Haatan, tan iyo xagaagii hore, waxaana doonayay tartan weyn, tan ayaana haatan ii ah tartan weyn. “Waxaan qabaa in maalin walba ay ii sheegto inaan sameeyay go’aanka saxda ah. Wax xumaan ah ma lahan Arsenal. Mana jiro ciyaaryahan ka weyn kooxda, Arsenal waxa ay mar walba u tartami doontaa koobab, meel sarre ayayna joogi doontaa. Kaliya waxa ay aheyd sideed sanno ka dib iyo anigoo doonayay inaan dhaqaaqo oo aan sameeyo wax cusub.” |