|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Madaxwaynaha Somalia Waxaan Uga Digayaa Inuu Ku Dhaco Godkii Ay Madaxwayne-yaashii Ka Horeeyey, S/Land Heshiis Kulama Aha Inay La Dhisato Federaal Ah” C/Raxmaan Cirro Hargeysa, January 23, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uga digay inuu maro wadadii ay Madaxwaynayaashii ka horeeyey ku fashilmeen, kaas oo kula taliyey inuu ka waantoobo waxyaabaha iska horkeenaya dalkiisa iyo dalka Somaliland. C/raxmaan Cirro waxa uu sidoo kale uga digay Madaxda dawladda Muqdisho inay ka faaloodaan qaabka ay u dhici doonaan wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo sheegay inaan lagaga wada-hadlay arimo la xidhiidha Mid-nimadii lagu hungoobay, isla markaana ugu baaqay in dhinac waliba uu soo diyaarsado Ajandaha uu la shir iman doono. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Aqoonsigii dawladda Maraykanku u fidisay todobaadkii hore Somalia, kaas oo ku dooday in xukuumadda Washington xaq u leedahay inay Ictiraafto cida ay doonto, isla markaana xusay inay Somaliland xaq u leedahay inuu Maraykanku aqoonsado. Guddoomiya Wakiilada C/raxmaan Ciro ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad wayn oo Xisbigiisa Waddani u sameeyey Hogaankii ururkii Ummadda ee hadhay oo ay ku midoobeen, taas oo ka dhacday Hutelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo digniin u diray Madaxwaynaha Somalia iyo taariikhda Madaxbanaanida Somaliland, waxa uu yidhi “Gumeystihii Africa Gumeystay dadka Af-Somaliga ku hadla waxa uu qaybiyey shan qaybood, Jabuuti, Somaliland, Kililka 5aad, Somalia, iyo NFD. Xidigta 5 geeska ah ee calanka Somalia taas bay u taagan tahay. Somaliland shanta Somaaliyeed iyada oo xoriyad ugu hor qaadatay 26th June 1960. Waa qaran ka da weyn Somalia. Madaxweynaha Somalia Md Xasan Sheekh oo aan dhegaystay khudbad uu ka jeediyey Minnesota, USA waxa uu xusay in Mandate-ka xukuumadiisu tahay in dalka Federal laga dhigo. Waxa kale oo ka mid ahayd khudbadiisa inta dawlad goboleed ee Somalia yeelanayso waxa goynaya baarlamaanka Somalia. Waxa kale oo ku jirtay khudbadiisa (Youtube-ka ayaad ka heli kartaan) inuu yahay Madaxweynaha dadka Somaaliyeed oo dhan, Waxa laga yaabaa in haddi taariikhdu madmadow kaa galo oo kaa qaldanto, in xisaabtu kaa qaldanto, ka dibna xaalku noqdo Cabdoo Qalad Xisaab. Madaxweynaha Somaliland waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Ka Djibouti-na waa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka kililka 5-aad waa Cabdi Cumar, NFD waa gobol ka mid ah Kenya. Adiga waxaan kuu aqoon sanahay oo kugu ixtiraamayaa inaad tahay Madaxweynaha Somalia. Khubadda Madaxweyne xasan ee Mennosota iyo khubadiisi marka loo doortay Madaxweynaha faraq weyn baa u dhaxeeya. Somaliland kulama heshiis aha Somalia inay la dhisato nidaam Federaal ah oo Gooni isutaaga Somaliland waa go,aan shacbi”. C/raxmaan Cirro mar uu la hadlayey Baarlamaanka Somalia, waxa uu yidhi “Baarlamaanka Somalia isagaa xor u ah inta dawlad goboleed ee uu Somalia ka dhigayo, Arrin khuseysa iyo arrin u taal Somaliland midna maaha”. Guddoomiye Cirro isaga oo hadalkiisa sii wata fariina u diray Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somalia oo uu ka muuqda dadaal badan waxaanse kula talin lahaa inaanu ku dhicin dabin iyo godkii ay hore ugu dhaceen Madaxweynayaashii ka horeeyey ee Somalia oo ah inay iskaga khaldanto gobolada Somalia iyo Somaliland, Dastuurka Somalia waxa uu gaar u yahay Somalia, Somaliland waxay leedahay dastuur shacbigu afti ku ansixiyey iyo baarlamaan”. Mar uu ka hadlayey wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Wadahadalada Somalia iyo Somaliland waan soo dhaweynaynaa, waxaanse uga dhigaynaa Madaxda Somalia inaanay ka hor dhicin gunaanadka wada hadalka, laguna koobnaado in la wada hadlo keliya, qolo kastaana ajendaheeda miis la timaado”. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro mar uu ka hadlayey aqoonsiga Maraykanku u fidiyey Somalia, waxa uu yidhi “Maraykanka waxaan leeyahay dowlad waliba xaqbay u leedahay in ay ictiraafto cida ay doonto lamana odhan karo maxaad u ictiraafteen laakiin waxaan xaq u leenahay In dhehno Somaliland ahaan na ictiraaf oo ay ka shaqeeyaan madaxdeena iyo asxaabteena”. |