|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shirgudoonka Baarlamaanka Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Isku Shaandhayn Ku Samayn Doonaan Guddi Hoosaadyada, Kana Hadlay Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Iscasilay Hargeysa, January 24, 2013 (Haatuf) – Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in guddi hoosaadyada golahaasi ay isku badal iyo isku shaandhayn ku samayn doonaan, waxaanu tilmaamay in xubnihii guddiga ilaalinta hantida qaranka ee iscasilay ay ka cawdeen guddigooda oo ay sheegeen inaanay wax hawl ah qabanin, codsina ay ku soo dalbadeen in xubno kale oo cusub lagu soo xoojiyo. Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi waxa kale oo uu sheegay inaanay xukuumadu xukumin golahooda, balse ay yihiin laba hay’adood oo siman. Md Baashe Maxamed Faarax ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamy eedaha shirgudoonkooda looga soo jeediyo xeerarka aan goluhu ka doodin ee habka duudubka ah lagu ansixiyo, Md Baashe Maxamed Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbahinta uga waramay xubnaha guddi hoosaadka ee iscasilay, ugu horayna isaga oo ka hadlaya arrimahaasi waxa u yidhi “Guddiga ilaalinta hantida qaranku waxay ka kooban tahay sagaal xubnood, afar xubnood ayaa istiqaalada ka keenay inay guddigii ka baxeen, waxaa kalifay khilafaad guddiga dhexdeeda ka jiray oo xubnaha qaarkood ay sheegeen in guddigii aanay shaqaynayn, soona jeediyeen in guddiga xubno cusub lagu soo xoojiyo. Sidaa darteed xildhibaanadani waxay ka cabanayeen guddigii baan shaqaynayn” S: Waxay idinku eedeeyeen xildhibaan iscasilay in xukuumadu ay culays idinku soo saartay in guddigoodu aanay wax hawl ah oo baadhis ah aanay qabanin, maxaa ka jira? J: Hadalkaasi waxba kama jiraan, golahana xukuumadu ,ma xukunto waa gole madaxbanaan, waana laba hay’adood oo siman, xildhibaanadu waa iska caadi haday yidhaahdeen guddigii ma shaqaynayso, shirgudoonka ayaanay u taalaa in guddiyada laysku badbadalo, waananu ku talo jirnaa inaanu guddiyada isku badalno. S: Waxaa laydinku eedaynayaa in xeerarka xukuumadu soo gudbiso, iyadoon goluhu ka doodin in si khasab ah ugu jiidhsiisaan in duuduub lagu ansixiyo, arrinkaa maxaad ka odhan lahayd? J: Waxaasi waxba kama jiraan goluhuna xeer hoosaad buu leeyahay, shuruucada ay soo gudbiso xukuumadu shirgudoonkuna waxa uu u gudbiyaa guddiga sharcigaasi ku shaqada leh, way soo baadhaan ka dibna golaha ayay hor keenaan, waa laga doodaa, marka ay doodu dhamaato, xildhibaanada waxaa la waydiiyaa ma qodob-qodob ba lagu ansixiyaa mise duuduub, xildhibaanada ayay u taalaa inay yidhaahdaan duuduub ha lagu ansixiyo iyo inay yidhaahdaan qodob-qodob haloo ansixiyo, intaa ka dibna cod baa la qaadaa codku meesha uu u bato ayuun baa la raaca, sidaa darteed eedahaasi waxba kama jiraan, shirgudoonkuna fadhiga ayuu haga, xildhibaanaduna iyagaa doorta in qodob-qodob loo ansixiyo iyo inay duuduub ku ansixiyaan xeerarkaasi anaguna wax shaqo ah kuma lihin. |