|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3194 |
January 23 2013 Rabicil Awal 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dr. Gaboose Oo La Midoobay Waddani, Kuna Dhawaaqay Inuu Damaciisii Mudada Dheer U Sad-Qeeyey C/Raxmaan Cirro Hargeysa, January 23, 2013 (Haatuf) – Hogaankii urur siyaasadeedkii hadhay ee Umadda oo uu horkacayo Guddoomiyihii ururkaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si rasmi ah shalay ugu biiray Xisbiga Waddani, kuwaas oo Munaasibad soo dhawayn ah loogu sameeyey Hutelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa. Sidoo kale Munaasibadaas oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyihii urur siyaasadeedka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose, kaas oo khudbad kooban oo Macnayaal badan ku fadhida ka jeediyay madashaas, isla markaana shaaciyey in Siyaasadaha cusub ee ka socda Maraykanka iyo Somalia inay ka daran tahay Maamul xumo badan oo uu sheegay inay ka jirto Somaliland. Dr Gaboose ayaa sidoo kale ka waramay sababta iyo ujeedada keentay inay la midoobaan Xisbiga Waddani, kaas oo tilmaamay in talooyin badan ka dib ay isku qanciyeen in Xisbigaasi ugu mudan yahay inay cududooda ku biiriyaan, kaas oo madashaas kaga dhawaaqay inay looga fadhiyo inay Mucaaradad wax dhista la yimaadaan, isla markaana tibaaxay inuu noqon doono Xisbiga ay ku biireen ee Waddani mid ay iska dhex arkaan ummadda reer Somaliland oo dhan. Dr. Gaboose oo arimahaas iyo kuwo badan oo kale ka hadlayaana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Munaasibadani waxaa weeyaan munaasibad loogu daaf furayo in ururkii umadda doorasho iyo quluub ka timi markii ay wada tashi balaadhan galeen markii ay waxyeebo badan eeg eegeen waxa ay isku qanciyeen in dhibaatada taala aanay dhib ku darin, waxa kale oo ay ku tashadeen in aanay fadhiisan oo aanay daawadeyaal noqon markaa ay eeg eegeen oo ay indho indheeyeen weelasha jira waxaan u soo baxay in ururka waddani ku biiraana anaga oo wadana taageeroyaashayadii ,waxaana jirta ahaan nin aanu sxbnahay ayaa I waydiyey sadex su’aalood oo kala ah hadii aad waddani ku biirno mucaarad ma yahay dhab ah, ta kalena waxa ay ahayd yaa huba in uu cabdiraxmaan ciro yahay musharaxa Xisbiga iyo marka aad midowdaan Musharax ma kala noqonaysa gadaha xisbiga oo maka tartami doontaan?. hadaba aan idiinka jawaabo sadexdaa su,aalood ee ninkaasi I su,aalay Waa ta koobaad In hadii midabo gaara kala lahaayeen anaga iyo ururada kaleba aanu hada laga bilaabo nahay xusbiga Wadani ay khasab noqonayso in uu mucaarad noqdo mida kale ayaanu mugdi idin gelin Cabdiraxmaan waa musharax ugu wayn ee Madaxwayne Xisbiga Waddani ta odhaysa ma iska dhex sharaxaysa ,waxaad idiin cadaynayaa Noloshayda munaafaq ma noqon oo iska masharaxo waxaanan madasha ka xaqiijinaya in aanay dhacayn in aan marnaba musharax ka noqonaynin Cabdiraxmaan Cirro, waxaan leeyahay Waxaan kuu xaqiijinayaa Cali Warancade iyo Goboose adiga hadii kula jiraan waxaad u halgamaysaa waa hogaan dad iyo dalka oo keliya maaha dadka beeshada oo keliya maaha Cali iyo Gaboose maaha, waxaa in aan xusbiga Wadani ay habeen iyo maalinba ,aad bacadba u martaa sidii aad ku kasban lahayd dad kale oo uu xisbiga wadani noqdaa mid cidkasta iyo beel kasta iska dhex aragto. Waxaan leeyahay si ay kuugu hirgasho himiladaada waxaa hal dardaaran ku siinayaa mucaaradu waxaa weeyaan dareenka dhabta ah ee shacabkaaga u dhow hadii ay gaajaysan yihiin, hadii ay tahribayaan saacada laga bilaabo anigu gudoomiyenimada halkaasi ayaan kaga tegey ururkii Umadda taariikhda galaye anigu Waddani ayaan ahayn waxaan ugu baaqayaa ururadii kale in ay ku soo biiran Wadani”. Waxa kale oo uu Dr Gaboose ka hadlay arrimaha dhawaan soo baxbaxayaa ee ku salaysan qadiyada Somaliland waxaanu yidhi “Duufaanada siyaasadeed ee ka dhacaya Washington iyo Muqdisho waxaa igala xun duufaanaha maamul xumo eek a dhacaysa Hargeisa”. Gabo gabadii munaasibadaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xusbiga WADDANI ahna Hogaamiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waa maalin farxadeed waxaana aad ugu faraxsanahay caqligii iyo taageeradii,dhaqaalihii Ururka ummadda ay ku soo biireen Xisbiga Waddani waxaan leeyahay gamco furan ku soo dhawow Dr Maxamed Cabdi Gaboose, wuxuu noqonaya odaygii iyo maskaxdii Waddani ayuu noqondoonaa waxaa kale oo aan xusidoonaa in gudoomiye ku xigeenkii ururka Umadda waxaa uu ka mid noqondoonaa gudoomiye ku xigeenada Waddani maanta waxaa markhaati inoo furmay in aynu nahay mucaarad lakiin Waddanigii hore iyo kaniba in uu yahay mucaarad wax dhisaya oo Somaliland marxalada amniga iyo siyaasadaba waxa aynu ka bixi karnaa inaga oo gamcaha is qabsana midna uga soo qad jeesanayaa wixii samaynta ku samaynaya qadiyada Somaliland, waxaan aad ugu mahadnayqaa taageerayaasha iyo madaxda ummada waxaanan leeyahay cidkasta oo muwaadin ah in uu furan yahay inku soo birto Xusbiga Waddani”. Ayuu ku soo kooban Gudoomiye ciro hadalkiisii ka dibna waxaay labad gudoomiye madashaasi siwada jira ugu kala saxeexdeen heshiiskii isku biirida ahaa. Dhinaca kale waxa iyaguna Madashaas ka hadlay Madaxbadan oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Ururka la midoobay ee Ummadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Xisbigaas Maxamed C/laahi Uurcade, Cali Maxamed Warancade, Faadumo shaacir oo ah garabka haweenka ee Xusbiga Waddani, Cabdirashiid maxamuud cali gudoomiye ku xigeenkii koobaad ee ururka Umadda, Dr Cilmi maxamuud Nuur oo ka mid ahaa madaxii ugu saraysay ee Urur Siayasadeedkii Horyaal, Xildhibaan Baar Siciiid faarax oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland Iyo Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar iyo madax kale oo badan. Sidoo kale hogaanka Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Ummadda ayaa madashaas ka shaaciyey War-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen, kaas oo ay ku qodobeeyey heshiiska Midowgooda iyo danaha Qaranka iyo Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somaliland oo ay ku muujiyeen War-murtiyeedkoodaas. |